Mogadisho- Some one who sleeps would see his cow delivers a bull .. Rag lobbyist ah harsan-waayey cag ma dhigayaal ah, oo mid waliba jilbaha xod-xodo u aastay la soo taagan sidu mid day-day qurbe joog jaceyl jago wasiirnimo ku khafiifay iyo gudo joog garas-marooje mid ay yihiinba aan la socon xaalada dalka iyo duruufaha ka taagan sharaxaa-dooda loo bandhigi lahaa, ayaa maalmahaan si waji ku macaash ah la iska soo hormariyey odayaal bakaaraha ka ganacsada iyo qab-qablayaal meelo kala duwan ka socda oo waayahaanba garacaya albaabka xafiiska madaxweyne Xasan Shiikh ee villa Somaliya .. Shakhsiyadkaas iyo odayaal cumaamad calaamad u tahay waxaa ay waasteynayaan oo ay leeyihiin hebel baa reer hebal u sharaxan, oo ay rabaan in ay afka bulshada ka galiyaan kuwa labadoodi waalid soo dardaray, xita gurigoodi iyo caruurtoodi soo maaren-waayey dan gaar ah wata, waligiis liq-liq uun raadinaaya, hoosta ka qalalan, kuwaaso run ahaanti tolkoodu hoogayey iyo kii hore mid ka si daran uun ka dhaxlaan.
Sida ay sheegayaan raga sirta walwaala ee mogdisho wax ka soo tabiya ayaa xusay in Raga qurba jooga xusul duubka ka dhacaya awgeed aanu qof caadi ahayn ahi keeni kareyn ee maanta kursi-doonka ah oo la leeyahay waa hormoodka beesha. si kasto ay tahay waa kuwa khuraafaad iyo been taariikheed sameystay oo dacaayad raqiisa dan iyo micno mooday, waxa ay sheegeen in kooxahaas jagada u guuxaya ay ku dhex jiraan shkhsiyaad gole wasiir iska daayo, aan loo soo daayeen gabar gole la isku weydiisanaayo
Waxay intaa raaciyeen oo yiraahdeen: kuwaas muraadka leh waa kuwa muuqaalkooda garasho markii la tijaabiyey, si kasta loo habeeyo, kursi kasta oo lagu fariisiyo, mansab kasta oo loo dhiibo, iska daa waxay samata-bixyaane aan irbad dun galin-karin .. intooda badan waxaa lagu tilmaamaya kuwa reereysan oo taariikh waayo aragnimo iyo caqli toona lahayn .. sideedaba Garshada, Garaadka iyo Himada wax lagu hogaamiyo ilaahay ayaa bixiya, laakiinse koleyba qofka wasiirka laga dhigaayo amase xil loo caleemo saaraayo waxaa laga eegi jiray dhawr wax-yaabood kala duwan oo hawlaha san ku suntan sida Af-tahan hadalkiisu san-yahay, waayo aragnimo hawraarsan leh, caqliga ka salim ah, garaadnimo iyo aqoon u wax ku abuuri-karo ( creative)
Warka ayaa loo badinaya in Raga u cararaya wasiirnimada iyo kuwa loobyiga u sameynaaya ay labadaba yihiin kuwa isku shaqeysta, sharaxaadu iminka kuma socoto Ninka leh waayo-aragnimo, garad iyo caqli ma ku duugan-yihiin balse sheekadu waxay ku socota waa diktoor uun aan dhinac waxba ka arkeyn, waxaana illa hadda sida warka la isla dhex maraayo cadeynaayo araajida xil doonka wasiirnimo u keensatay madaxweynaha waa illa 150 qof, iyadoo dhinaca kale wargalin nala ku siiyey, in gacalo iyagana dhinaca Xasan Shiikh u foof tagay kana mida Reerka Leelkase oo baryahaan dambe xuuxda haya iyo ma la iga dhigo wasiir oo warqado waaweyn wata oo leh aduunka aakhirkiisa baan wax ku soo baranay ay jagadaas soo raajiciyeen tiro inta la ogyahay illa 11 Qof oo ruux haweyney ah ku jirto, lamana carbaabin xita ha ahaate tuhun shkhsiga loo macmali-doono kursiga wasiir, laakiin waxaa maqal ah in looyar Xoosh il jabin loogu baaqay jago sare, lamasa cadeyn cida baqday, hasa-ahaate ikhyaar ka soo jeeda jilibyo Harti ah + Awrtable ayaa si lobby ah ku andacooday in iyaga markaan xilki wasiir loo igmado ma daama reerka leelkase ay haystaan hogaaminta boliska qaranka, lamana cadeyn madaxda dawlada iney soo jeedintaas qaateen laakiin waxaa carbaka lagu dhuftay in rag ka tirsan xisbiga Dam-jadiid ay mabda' ahaan soo dhaweyeen aragtidaas
Arintu si kastaba ha ahaate waxaa la xigtay in makhluuqyada tirada badan ee isu soo xuurteeyey jagada wasiirnimada, u madaxweyne Xasan Shiikh isagoo malaha dibino daadinaaya durbadiiba u diray Shay-baarka caafimaadka madaxtooyada, waxaana intooda badan laga helay, Tuug iyo Beenale , Naar-afuuf, Waali, Damiinimo, Dhug-laawe, Dhuuni raac , Dawdar, Fajac abuur , Kala dile, laba wajiile, Caqli-laawe, Caga-baruur, Af ingiriis ku faane, Dabadhilif Gaalo jacel, ka Bakhtiiste, iyo cuduro kale oo halis ah, waxaase laga yaaba odoroska jira iyo sida saluuga leh ee hadda wax ku socdaan iyo gaar ahaan falsafada Dam -jadiid ku qotonta ee ah " weheshaday weeye walasaqada wixii igula jira" sidaa darteed in markale isku si kharbudan farsamadoodi awlaba caga jiidka ahayd oo halkaas Qoyleysato xuni, Huuraale iyo mid Kudkude aan fiyoobeyn si ula kaca ah loogu harqiyo xulka wasiirada, oo dabadeed Hoh, Caku iyo Hiif dhacdo, amase la yiraahdo "Anba waan yaabay Samakaab ayaa deero dili-doona" laakiin "man proposees but god disposes"
Ugu dambeyn iyo dhaalac-dhac, Geel jire isagoo og halku laanta ka jaraayo ayuu yiraahda halkee baan ka jaraa .. Waxaa la filayaa in ay u go'antahay madaxweyne Xasan Shiikh xulka iyo qaab dhismeedka kala shaandeynta dawladiisa .