Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Dawlada Talyaaniga Oo Xaalad Deg Deg Ah Ku Soo Rogtay Jasiiradaha U Dhaxeya Libiya Iyo Talyaaniga

Wednesday - October 16, 2013

Lampedusa- Xigasho Ramaas- Jasiiradda Sicily ee ku taal badda Mideterranean-ka ayaa lagaga dhawaaqay xaalad deg-deg ah, sababta oo ah baaxadda iyo dhibaatooyinka ka imanaya tahriibayaasha ku soo qulqulaya xeebaha jasiiraddaasi iyo jasiiradda kale ee Lampedusa oo ka tirsan Talyaaniga.
 
Dhawaaqa xaaladdani degdegga ah waxa la sheegay in looga dan leeyahay in xoogga la saaro hawlaha gurmadka ee taakulaynta iyo badbaadinta tahriibayaasha ku soo qulqulaya badda Mediterranean-ka, ka dibna wax badani ku dhex halligmayaan baddaasi, dadkaasi oo badankoodu ka kala imanayaa dalalka Afrika iyo Suuriya.
 
Mas'uuliyiinta Talyaanigu waxay sheegeen in ilaa 370 qof oo kale oo tahriibyaal ah in Salaasadii laga soo badbaadiyey saddex doonyood oo kale oo ku cadilnaa badda u dhaxaysa Libya, iyo jasiiradda Sicily. Dadkaasi dhammaantood waxa loo wareejiyey jasiiradda kale ee Lampedusa.

Lampedusa waa marinka ugu horreeya ee tahriibayaasha faraha badan ee ku qulqulayaa xeebaha iyo jasiiradaha badda Mediterranean-ka ee Talyaaniga, waxana soo raaca jasiiradda kale ee Sicily oo qaxootigaasi bar loo wareejiyo, sababta oo ah agabka iyo adeegga halkaasi oo ka roon kan Lampedusa.
 
Xaaladdani degdegga ah ee Sicily waxay ka danbaysay maalmo ka bacdi markii talyaanigu sheegay inay kordhinayaan ilaalada xeebaha iyo badda Mediterranean-ka, ka dib markii halkaasi ay ku dhinteen boqolaal ka tirsan tahriibayaashaasi soo qulqulayan.