Abaal Nin Gudaa Waa Yar-yahay .. Waa Qiiso Ku Cibro Qaadasho Mudan
Thursday - October 17, 2013
Meeshu waa miyiga Moskow Xaruunta dalka Ruushka .. Waqtii aan sidaas u sii fogeyn, waxaa dalka Ruushka ka dhacday qiiso xanuun badan leh oo dadka Ruushka guud ahaan ka ilmeysay oo xita shimbiruhu la ooyeen .. Waxaa jiray Nin Ruusha oo Xaaboola ah, wuxuu lahaa ilmo Yar Iyo Ey .. Ninnkii Xaaboolaha Ahaa wuxuu deganaa guri Yar oo ka sameysan Buul oo ku yaalay meel keyn ah, isla markaa subax walba markay cadceedu soo baxdo ayuu guriga ka bixi jiray si uu u soo gurto xaabo .. ilmaha Yar wuxuu kaga tagi jiray Eygiisa u ku kalsoonaa, waxaanu gurigiisa ku soo noqon jiray markay cadceedu si dhaceyso.
Hadaba maalin maalmaha ka mida soo noqodkiisi, ayuu wuxuu meel dheer ka maqlay Eyga cidiisi oo aanu horay uga baran. dabadeed horay ayuu u soo cararay, hadaba markii uu guriga u soo dhawaaday, ayuu indhaha ku dhuftay Eygii oo buulka hortaagan afka iyo wajiga dhiig ka tifleynaayo.
Hadaba Maxaa Dhacay? Ninkii Xaaboo-laha ahaa oo markiiba sheydaan laabta wasakh kaga shubay wuxuu gees maray dhaqankii iyo asluubti wax hubsashada, wuxuu is yiri. Eygu wuu ku khiyaamay oo intaa maqneyd ayuu ilmahaagi yaraa cunay. Kadibna ciil dhiigi ku kacay awgeed Faas uu xaga danbe ku sitay ayuu la soo baxay oo dabadeed sidi aarka guudka kaga booday madaxa iyo tartarada kala jeexay Eygi, isagoo leh: markii horaba anigaa kugu khatalmay oo Aabahaa ayaa fir Yey ka soo jeeday.
Ninkii markii uu eygii dilay ayuu Buulkii Yaraa horay u soo galay, isla markaa wuxuu indhaha ku dhuftay. ilmihi yaraa oo furaashka dushiisa ku ciyaaraya iyo Abeeso mayda oo furaashka ag taala.
Eyguu wuxuu ilmihiisa ka badbaadiyey Abeeso cuni lahayd, wuxuuna la ciyaayey farxad u islahaa ha ku mahad naqo ninka Xaabluhu, laakiinse hubsiimo la'aan awgeed isagii ayey galaafatay inuu naftiisa ku waayo miskiinka.
Dadkii Ruushka iyo shacuubta caalamka oo markiiba maqlay wixii dhacay iyo wixii dhex marayba Xaaboolaha iyo Eygiisi ayaa iyagoo damiirkooda ka jawaabaya dunida meelkasta looga yimid oo tacsi ahaan la soo booqday goobti Eyga lagu dilay laguna xabaalay, waxaana halkii maamus ahaan lagu waajibiyey dhismo taalo maluugan xasuus loogu xardhay" Eygi haleyga Geyiga ee laga abaal dhacay"
.