Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Sheeko kale Keen

Thursday - October 17, 2013

Sheeko Kale Keen: Dunyal Axlaam

 

Prof. Cabdisalaam Yaasiin

 

cabdisalaan yaasinMacamlin ayaa waxa caado u ahayd in uu marka uu wax dhigayo lululood oo

faslaka dhexdiisa seexdo.

 

Qaar ardaydiisii ka mid ah ayaa ku heshiiyay in ay weydiiyaan waxa macalinku

fasalka dhexdiisa u seexdo .

 

“Macalin,” ayay yidhaadeen ardaydi, “maxaad u seextaa fasalka dhexdiisa?”

“Waxan u seexdaa,” ayuu ugu jawaabay macalinki, “in aan yara gaadho Dunyal

Axlaam.”

 

“Waa halkee Dunyal Axlaam?” Ayay weydiiyeen ardayday.

“Dunyal Axlaam waa dunida riyooyinka wanaagsan,” ayuu u celiyay macalinki.

“Maxaad halkaa ku aragtaa?” Ayay su’aaleen ardaydi.

“Waxan ku arkaa dad wanaagsan iyo dal wanaagsan. Waxan arkona waan ku

farxaa oo waxay i ilowsiiyaan boodhka iyo busaaradda inagu xeeran” Ayuu

macalinki ugu jawaabay.

Maalin dambe ayaa ardaydii su’aalaha weydisay qaar ka mid ahi luloodeen oo

fasalka gudihiisii seexdeen.

Macalinkii ayaa canaantay oo yidhi, “Maxaad fasalka gudihiisa u seexateen?”

“Waxanu u seexanay in aanu tagno Dunyal Axlaam oo soo aragno dadkii iyo dalkii

wanaagsanaa ,” ayay u celiyeen ardaydi.

“Oo ma soo aragteen dadkii iyo dalkii wanaagsanaa?” Ayuu weydiiyay macalinki.

“Haa, oo waxay yidhaadeen maanaan arag macalinkiina!!!”