Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Warar Hoose Oo Sheegaya In Wasiirka Arimaha Gudaha Somaaliya U Ku Ciiday Hargeysa

Saturday - October 19, 2013

Warar loo qaateena ayaa sheegaya in C/kariim Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha gudaha Dawladda Federalka Somaliya ku ciiday magaaladda Hargeysa, isla markaana aan la hubin in uu ka dhoofay iyo in uu wali ku sugan yahay.

Warbaahinta Somaliland ayaa dhawr bilood ka hor baahisay in wasiirka arimaha gudaha C/karim Xuseen safar ku tagay magaalada Hargeysa, wallow waqtigaas ay Somaliland beenisay balse markii danbe sheegtay in uu Madaarka Berbera Transit ku maray.

Weli illaa hada lama cadeyn warka sheegaya joogitaanka Wasiir C/kariim Xuseen iyo imaan-shihiisaba hase yeeshee ilo wareedyo Dublamaasiyadeed oo la soo xariiray wargeyska Waaheen ayaa sheegay in wasiirka maaml-mihii Ciidal Adxada uu joogay Hargeysa, ilaa hadana uu ku sugan yahay.

Sida la sheegay Wasiir C/kariim waxa Hargeysa degan Xaaskiisa iyo Carruurtiisa waxaana lagu wadaa in booqashadiisu la xariirto arrintaas, walow ay dad Reer Muqdisho ah oo ku sugan Hargeysa war baahinta qaar u sheegeen in uu Kambaala u raray.
 
Dhinaca kale,  sarkaal ka tirsan Somaliland ayaa xaqiijiyay in ay si joogto ah u yimaadaan Somaliland Madaxda Dawladda Federalka Somaliya isla markaana ay mogdisho sida la yiri ay ku sugan yihiin siyaasiyiin iyo Dublamaasiyin Reer somaliland ah.