Weerarkii Casharka Westgate Mall Oo Siyaasiyiin Kenyaan Ah Wax Ka Hindiseen
Monday - October 21, 2013
Kenya- Baaritaano ay sameeyeen Baarayaasha Caalamiga ah iyo kuwa Kenya ayaa waxa lagu ogaadaay in Dagaalyahanadii weeraray Suuqa Ganacsi ee Westgate oo ugu yaraan ahaa Lix qof in ay diyaarad Helicopter ah ay kasoo raaceen Xerada Qaxootiga aduunka ugu wayn ee Dhadhaab ee dalka Kenya.
Baarayaasha dalka Kenya ayaa intaasi ku daray in Diyaaradaasi ay kooxahaasi Weeraray Westgate mall ay soo raaceen ee ay Hubka ku soo qaateen in uu lahaa Siyaasi hore ka mid ahaa Siyaasiyiinta dalka Kenya oo aan Magaciisa Warbixinta lagu xusin.
Baarayaasha Kenya iyo kuwa Caalamiga ah ayaa waxa ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in Kooxahaasi Weeraray Westgate ay ka soo gudbeen Xuduudka Kenya uu la wadaago Soomaliya iyagoo iska dhigaya dad qaxooti ah isla markaana soo galeen Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab halkaas oo ay ka soo abaabuleen Weerarka ay ka fuliyeen Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya kaas ku dhawaad 70 Qof ay ku naf waayeen.
Baarayaasha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku raad joogaan Muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo ay sheegeen in uu guri viila ah oo ku yaala Suuqa Westgate uu ka kireeyay Kooxahaasi Weerarka ka fuliyay Suuqa Westagate Mall ee Magaalada Nairobi.
Bishii aanu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Kooxo Hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay gacanta ku hayeen ku dhawaad 5 Maalmood suuq wayn ee Westgate, halkaas oo ay ku dhinteen Dad isugu jira Kenyaan iyo AJaaniib.
Kadib weerarka ayaa Ciidamada Kenya waxa ay wadeen baaritaano lagu baadi goobayay kooxihii ka dambeeyay Weerarkaasi iyo halka laga soo abaabulay, iyadoo la sheegay in Ciidamada Ammaanka Kenya ay gacanta ku dhigeen ku dhawad 60 Ruux oo loo haysto in ay ku lug lahayeen Weerarka ka dhacay Xarunta Westgate Mall ee dalka Kenya, kaas oo Masuuliyadiisa ay horay u sheegteen Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta.