Xiisad Colaad Oo Laga Dareemayo Taleex Xili Ay Jirto Shir Maamul Khaatumo Halkaas Lagu Qabanaayo
Wednesday - October 23, 2013
Taleex- Wararka naga soo gaaraya magaalada Taleex ee xarunta u ah maamulka khaatumo, ayaa la sheegaya in saakay halkaas ay ka jirto Xiisad iyo buuq colaadeed, kadib markii uu halkaas u soo gaaray M/weyne ku xigeenka maamulka Puntland, Jen. Cabdisamad Cali Shire.
Qaar kamid ah beelaha dega Taleex ayaa booqashada Jen. Cabdi Samad u arka iney tahay mid markale lagu hurinaayo Colaadii iyo xiisadihi waayadaan laga nastay ee halkaas ka jirtay.
Dadkii deegaanka ayaa warbaahinada madaxa banaan u sheegay in gurmad badan u jiro oo ka imaanaya deegaano ku dhow-dhow degmadaas oo ay ka mid tahay Carooley, GodÂ’aalo iyo qaar kale oo ka tirsan degmadaas.
Imaanshaha C/samad Cali Shire ee Taleex ayaa salka ku haya ballan-qaad uu bishii aan soo dhaafnay ku sheegay inaan degmadaas wax shir ah oo maamulka Khaatumo leedahay lagu qaban karin, taasoo keentay in halkaas ka dhalato buuq iyo xiisad colaadeed oo bulshada dhib aaan loo baahneyn u keena.