Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Somaali Qof Aan Dilin Ma Xukumi-kara ?

Thursday - October 24, 2013

Xiligi maamulkii Reer Umawayiintu u talin jireen dawladi islaamka ayaa waxaa aad u xoogeystay rabshado gadoodsan, iyo fasahaad been ay madaxdooda ku hurgufaan, iyo colaado la isku dabar go'o taaso keentay in fawdadi ka dhamaan weeydey degaanka Ciraaq oo xita dharaarti timaadaba Governatoorihi halkaas loo badalaba basarxumo iyo caga-jugleyn ku sameeyaan illa uu isaga soo cararo .. Markaa ayaa khaliifkii Islaamka ee la oran jiray Cabdi Malik Bin Murwaan isagoo fiiro dhumuc weyn ku eegaaya tafaraaruqa iyo fawdada ka jirta Ciraaq ayuu talo ku gaaray in gobolkaas si tijaabo oo ku eeg ah ugu diray Xajaaj Bin Yuusuf bal inu Ciraaq samata-bixiyo kana noqdo Waali Yacni Governatoore.

Markii loo soo magacaabay inu Ciraaq maamulo oo u soo galay magaalada Baqdaad ayaa sidi reer ciraaqiiyiinta lagu yiqiin edeb darada caadada u ahayd si akhas-sunaas ah soo dhaweyntiisi lagu foor-fooriyey, isagiina af-celin markiisa foor fooriyey .. Nin Oday ah oo indha la'a oo meesha u maraayey Xajaaj taagnaa ayaa yiri: waa kuma ninka fooryaya, markaas baa lagu yiri waa xaakimkii cusbaa oo loo soo badalay Ciraaq. Odagii ayaa yiri: Ciraaq ninkii xukumi lahaa maanta ayuu yimid  

Xajaaj oo ogaa in reer Ciraaq aysan lahayn madax hadal gala,balse shar uun ka talinaaya oo joojineyn xumaan ka talinta ayuu si ulakaca isla markiiba amaro ad-adag Qoorgooyo joogta ah intu qodob uga dhigay kuna soo rogay baanodaw magaalada, waxaana amaradaas ka mid ahaa inu magaalada ka mamnuucay in laga baxo ama la soo galo habeenki, waxaana sheekadi Ciraaq noqotay: Qabri waxuu ku dumay kuu Qaan ku sheegto Xajaaj Bin Yuusuf

Habeen habeenada ka mida ayaa waxaa magaaladi soo galay ogaal la'aan Nin miyiga fog ka yimid oo aanba war u hayn lana socon sharcigaan xayiraada ee magaalada lagu soo rogay oo uu la yimid waaliga cusub ee Xajaaj

Haddi la qabtay ayaa waxaa loo taxaabay saldhiga booliska, habeenkiina xabsigu ku baryey, dabadeed waagu marku dilaacay ayaa waxaa la keenay xafiiska u Xajaaj fadhiyey, loona sheegay in Ninkaan xalay la soo qabtay, kadib markii u magaalada iska soo galay, isagoo sidaa u jabshay amarkii ahaa inaan magaalada habeen la soo galin.

Xajaaj horay xukun kama ridin, ee Ninkii ayuu weydiiyey oo yiri: maxaad ka qabta waxa la sheegaayo? in loo soo qabtay inu magaalada soo galay uma baahna cadeyn iyo qiraal ee wuxuu isku dayey Ninkii inu xujo ka dhigto inuusan ahayn reer magaal degan magaalada, oo miyiga ka yimid, uusana la socon sharciga meesha lagu dhaqmo, taa awgeedna uu mudanyahay in la cafiyo .. Dabcan dooda Ninka la soo eedeeyey waa macquul, mudana in tixgalin gaar ah la siiyo, balse Xajaaj dhan kale ayuu ka eegay, oo wuxuu is barbardhigay: yaa fudud inaad fasaxdo Ninkaan kaligiis ah iyo in aad xakameyso fawdada magaaladaan ka jirta? wuxuu door biday tan dambe, wuxuuna ku yiri Ninkii hawraartaan caan baxday oo ah" Dilkaaga bulshada dani ugu jirta" sababto ah waa meeshi lagu yiri:  "Weesha Gawrac Dibigu Ha Ku Quuste" ama Ninkii qayrkii loo xiiroow adna soo qoyso .. micnaha meel reer miyigi sharci awsan ogeyn uu jabshay lagu fuliyey, maxaad u maleyn haddi kan jabshay magaalada degan yahay? waa hubaal inuu sharciga ka qaban ogyahay 

Dad Somaali ah oo badan ayaa qaba ama ay ka dhaadhacsantahay aragti ah in Somaali Qof aan dilin ma xukumi-karo .. cala ay xaal Somali iney u baahantahay Xaakim sida Xajaaj Bin Yuusuf warcelinta jawaabta waxaan u deynaya akhristayaasha, illen qofba meel ayuu ku dhifanayaaye, marka laga reebo qisaasta