Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Bare Hiiraale Oo La Heshiiyey Axmad madobe

Friday - October 25, 2013

Kismaayo- Nairobi- Warar si gaara looga soo xigtay Nairobi iyo waliba caasimada Jubaland ee Kismaayo ayaa maalmaahaan dambe sheegaya in heshiis jilbaha loo laabay laga dhex sameeyey madaxweyne Axmad madoobe iyo walaalihi buurta dheer iyo ayda Goobwyn u baxay oo daba joogsatay korneyl Bare hiiraale, waxaana warka intaa ku daray in labada dhinacba hadal iyo is hardiba ugu dambeyn ay si fiican ugu heshiiyeen in dulmi iyo gardaraba aan loo hiilin, isla markaana wixii horay u dhacay shalay iyo doraadba xalay dhalay laga noqdo, iyadoo la iska ilaaliyo hadalada dhataqlaha ah ee daba fur furka ku sameyn-kara heshiiska, waxaa kalo la is tusay inaan gob lagu noqon-karin qof kale gunimadiisa.

Heshiisa la isku afgartay ayaa ahaa in ciidamada bare hiiraale ee ku sugan Goobweyn loo ogolaado iney gudaha u soo galaan kisimaayo, laakiin shardi looga dhigay iney ahaadaan ciidamadi horay loogu soo tababaray cariga Kenya oo lahaa nambaro iyaga iyo Qorigooda AK-ga si lagu aqoonsankaro.