Gobolka Tigray Ee Itobiya Oo Laga Bilaabay Mashruuc Korontada Laga Dhaliyo Dabeysha Afrika Ugu Weyn
Monday - October 28, 2013
Mekelle-Itobiya-Mashruuc Ashegoda ee korontada laga dhaliyo dabaysha oo ah kan ugu wayn Afrika, ayaa shaqo ka bilaabay meel u dhow Mekelle magaalo madaxda gobolka Tigray ee Itoobiya.
Shirkada Faransiiska ee Vergnet ayaa hirgalisay mashruuca. Mashruuca waxaa maalgaliyay Bangiga BNO Paribas ee Fransiiska, Hayadda horumarinta ee Faransiiskaiyo iyo hayada korontada ee Itoobiya (EEPCo).
Saldhiga Ashegoda.
Baahida tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo qoraxda iyo biyaha ayaa korodhay si loo gaaro tamar isku filnaasho, taasoo muhiim u ah horumarka dalka iyo dhimista saboolnimada. Tamarta laga dhaliyo dabaysha ayaa waxay ka mid tahay tamaraha nadiifka ah ee aan deegaanka waxba u dhimin .. Itoobiya ayaa waxay ku hamiyaysaa inay noqoto waddamada ugu waawayn ee dhoofiya korontada,ayadoo u dhoofinaysa wadamada mandaqada ku yaala gaar ahaan kuwa jaarka la ah.