Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 19 July 2025

Reer Buuhoodle Oo Gubay Waraaqaha Tirakoobka Iyo Ragi Qaaday Oo Cafiis Dalbaday

Tuesday - October 29, 2013

Buuhoodle-Xigasho Geeska-Shacabka magaalada Buuhoodle ayaa gubay waraaqo loogu tallo galay in lagu sameeyo tirakoobka dadka ee ka socda Somaliland. Tirakoobka waxa iska kaashanaya Somaliland iyo hay’adda UNFPA.
 
Dadweyne gadoodsan ayaa shalay meel fagaare ah ku gubay waraaqahaas oo ah kuwa loogu tallo galay diiwaangelinta madaniga ah ee shacabka Soamliland. Waxaanay goobtaas keeneen raggii waraaqaha ka qaaday magaalada Burco ee gobalka Togdheer oo laba dible u xiran. Waxa ugu yaabka badani wuxuu ahaa nimanka waraaqaha ay Somaliland u dhiibtay ayaa dadweynaha weydiistay cafis iyo saamaxaad iyagoo dadweynuhuna u sacabo tumay, waxaana halkaas ka cad in marka horeba aan dhukumentigaas lagu gayn Buuhoodle si daacadnimo ah.
 
Odayaal halkaas ka hadlay ayaa dawladda Somaliland iyo hay’adda UNFPA ku eedeeyay inay jiidaas geeyeen dhukumentiyo aan lagala tashan, waxaana muuqata inay xukuumadda iyo hay’adu qorshe la’aan ku waajaheen sidii waraaqaha loo gayn lahaa Buhodle.
Madaxda Somaliland ayaa u muuqata inay ku guuldaraysatay inay dadweynaha reer Buhodle ku waajahdo qorshe qalbigooda ka saara carada iyo caadifada haysa.