Madaxweyne Xasan Shiikh Oo Beri La Filaayo Inu Gaaro Kisimaayo-Jabaland
Wednesday - October 30, 2013
Waxaa goo hore Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ka amba baxay wefdi horudhac u ah socdaalka uu Madaxweynaha Soomaaliya, uu ku tagaayo Magaalada Kismaayo.
Wefdigaan, ayaa waxay isugu jiraan Saraakiil Ciidan, Wasiiro Ku Xigeeno iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya.Xubnahaan ka socda Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxay caawa ku hooyan doonaan Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayol.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya, ayaa waxaa Khamiista berito ah loo badinayaa, in uu booqasho ku taggi doono Magaalada Kismaayo. Haddii aynaan wax iska bedelin qorshaha booqashada Dowladda.
maalmo hore ee la soo dhaafay, ayaa waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu ka baaqsaday socdaal booqasho ah, oo uu ku taggi lahaa Magaalada Kismaayo oo illa hadda sababta keentay la cadeyn, walow la yiri wuxuu ku dag dagsanaa safarka Turkiga oo muhimad weyn u lahayd dawlada somaaliya.