Madaxweyne Xasan Shiikh Iyo Wafdigiisi Oo Si Her Sara Ah Loogu Soo Dhaweeyey Caasimada Kisimaayo
Thursday - October 31, 2013
Jubaland- Kisimaayo: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimada Magaalada Kismaayo ee Jubaland, booqashadan oo noqonaysa tii ugu horreysay oo uu madaxweynuhu ku tago magaaladas.
Socdaalkan ayaa waxaa madaxweyaha ku wehliya xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha Kismaayo.
Wafdiga madaxweynaha si sare ah ayaa loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, waxaana uu salaam-sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga jubaland ayuu warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxtooyada, Inj. C/raxmaan Yariisoow.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in madaxwenaha iyo wafdigiisa ay la qaadan doonaan kulammo madaxda maamulka ee Jubbaland oo uu ugu horreeyo madaxweynaha maamulkaas Sh. Axmed Maxamed Islaam Sheekh Axmed Madoobe.
Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo jidadka ku yaalla bartamasha magaaladaas lagu xardhay sawirka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira haween, rag iyo waayeel ayaa ka qayb-qaatay soo dhaweynta madaxweynaha kuwaasoo qaarkood garoonka ay ku suganayeen, iyagoo ku dhawaaqayay erayo lagu soo dhaweynayo wafdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya.