Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Bisad Doontay Iney Yeelato Saaxiib Xoog Weyn

Friday - January 31, 2014

Bisad ayaa waxay doontay inay yeelato saaxiib xoog weyn. Waxay istustay, “ Libaaxa ayaa u xoog weyn ugaarta. sidaa awgeed waxay u tagtay libaax oo la saaxiibtay .

Bisaddii iyo saaxiibkeed libaax oo maalin wada socda ayaa waxay ku soo baxeen maroodi. Maroodigii ayaa libaaxii weerary oo dilay. Bisaddi aad bay uga murugootay saaxiibkeedii ka dhintay. Mayse ilaabin himiladeedii ahayd in ay saaxiib xoog weyn yeelato. Waxay nafteedii ku tiri “Maroodiga ayaa ka xoog weyn libaaxa. Sidaa darteed maroodiga ayaan la saaxiibayaa.” Ka dibna maroodigii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.

Muddo markii ay saaxiib ahaayeen bisaddii iyo maroodigi, ayaa maalin iyaga oo ay maraya ku soo baxeen nin ugaarsada ah oo qori sita. Ugaarsadihi maroodigii ayuu toogtay oo dilay. Markale, bisaddi aad bay uga murugootay saaxiibkeedii la dilay. Hasa yeeshee, may ilaabin himiladeedii ahayd in ay saaxiib xoog weyn yeelato.Ka dibna ugaarsadihii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.

Ugaarsadihii ayaa bisaddii ay saaxiibeen gurigiisii geeyay. Markay gurigii galeen ayaa ugaarsadaha xaaskiisi ka qaaday qorigii oo xeraysay. Ugaarsadihina kursi ayuu iska fadhiistay. Xaaskiina jikadi ayay gashay.

Bisaddi waxay is tiri, “Ugaarsadaha xaaskiisa ayaa ka xoog weyn. Qorigii ayay ka qaaday. Ka dibna, isaga oo aan hadal ku celin, ayuu kursi iska fariistay. Markaa xaaska ayaan la saxiibayaa.” Ka dibna xaaskii ayay jikada ugu tagtay oo la saaxiibtay!!!