Halganka Kursi U Dirirka Garoowe " Waar Hooy Wadaadkoow Ha Is Qoyn"
Wednesday - January 1, 2014
Waar Hooy Wadaadkoow Ha Is Qoyn: Waa Xikmad laga hayo islaan dadkeenii hore kamid ahayd.
Wakhtiyadii hore dadku waxay xoolahooda u dhigi jireen tahliil balaayo xijaab ah, reer kastaana wuxuu lahaa wadaad Shiikh macmiil ah oo tahliisha dhiga. Waxaa dhacdey in Ari tiro badan oo ay islaan daweyni lahayd uu odaygii macmiilka u ahaa ku iman waayey wakhtigii caadada u ahayd ee la filayey. Si aan arigeedu u tahliil beelin ayey u yeeratey wadaad kale oo ariga tahliisha u sameeya.
Wadaadkii cusbaa wuxuu damcey intaanu tahliisha samayn inuu is daahiriyo ama soo istijoodo, intuu biyo qaatey buu u dhaqaaqay meel reerka ka yara durugsan. Isagoo aan fogaanba waxaa geestan kale mud ka soo yiri wadaadkii macmiilka ahaa ee la raagsadey. Dabadeed, islaantii iyadoo ku faraxsan wadaadkii macmiilka ahaa ee ay tahliishiisa ku kalsoonayd ayey intay is hayn kari wayday qaylo kala daba orodday wadaadkii biyaha sii sitey, iyadoo leh: Waar hooy wadaadkoow ha is qoyn
ha is qoyn.
Waa halkii islaantaase, iminka xaalada ka jirta Puntland ciyaartu waxay ka socota cirka iyo dhulka meel dhexdooda ah, waxay u egtahay in hilbo ninki lahaa haysto ayey haada cirku isku leyneysa .. C/raxmaan Faroole khalad iyo saxba waxuu isku xiray suuf iyo xanjo kuna dagaal galay gacan macaan, iyadoo dab fur fur u ku sameeyey mucaaradkiisi, iyo gabgab kolba tabo cusub u la soo baxay, wuxuu helay tiro xildhibaano nacam-yaal ah oo wax loo yeeriyo, sidaas ayuuna su'aal la'aan aan jawaab lahayn gacanta ugu dhigayaa kursiga lagu hardamaayo, taa awgeed waxaa la filaya in Raga mudanayaasha Musharxiinta u taagan Garoowe oo kiiskooda ololaha sida muuqata qiyaasuhu ka xumaadeen, la oran doono: "Waar hooy kowa is sharaxayow ha is qoynina".