Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Xildhibaanadi Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyad Leh Ku Ansaxiyey Raisal Wasaaraha Cusub

Saturday - December 21, 2013

Mogadisho- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kulanka Baarlamaanka oo ay soo xaadireen in ila 243 ayaa waxaa codka kalsoonida siisay Ra’iisul Wasaaraha 239 Xildhibaan, waxaana diiday labo xildhibaan, halka ay ka aamuseen labo xildhibaan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay u jeediyay Xildhibaanada ka hor inta aysan ansixin, isagoo ka codsaday inay ansixiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub, si uu u bedelo Ra’iisul Wasaarihii hore ee ay codka kalsoonida kala noqdeen.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaaraha uu ansax yahay, waxaana la dhaariyey.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa 2-dii bishan December codka kalsoonida kala noqday Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon, kadib khilaaf isaga iyo Madaxweynaha soo kala dhex galay oo keentay in mooshin laga soo gudbiyo, kadib markii Xukuumadiisii lagu eedeeyay inay fashilantay.
Ra’iisul wasaaraha cusub C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ah nin aqoonyahan oo bartay cilmiga Dhaqaalaha ayaa laga sugayaa inuu dhowaan soo magacaabo Golihiisa wasiirada cusub oo u baahnaan doonta in codka kalsoonida baarlamaanka ay helaan marka uu magacaabo.