Sheeko: Laba Orgi Oo Isaga Hor-yimid Wadiiqo Yar Oo Buur Dheer Ku Taal By Prof. Cabdisalaam Yaasiin
Sunday - December 22, 2013
Waxaa la yiri Laba Orgi ayaa iskaga hor yimi wadiiqo yar oo buur dheer ku taal. Wadiiqada jar, wixii ka dhacaa ay dimanayaan oo aanay naf dhulka la gaarayn, ayaa ka hooseeya. Labadii Orgi, oo aan wadiiqada isku dhaafi karayn, yaa is hor joogsaday.
Waar xagaa buurta fano oo wadiiqada ii baanee, ayaa mid yiri.
Waar fananmaayo buurtee ka leexo wadiiqada, ayaa kii kale u celiyay.
Intuu lugta midig dhulka ku xaardhay oo giir iska kiciyay ayuu u celiyay, Haddii aad leexan weyday, hirdin u diyaar garow!
Kii kalena inta uu is neefeeyay sankan qiiq ka keenay, ayuu ku yiri, Haddii aan la hurayn, hirdin jiijaa!
Hasa yeeshee, intii aanu hirdintii holan, ayuu hoos eegay. Markuu dalawgii arkay ayuu indha daraandary. Isaga oo dawakhsan ayuu fariistay. Dawakhi markii uu ka baay, ayuu ku yiri Orgigi kale, Waar waan fariisanayaa, iga talaabso.
Si fudud ayaa Orgigii kale uga talaabsaday. Halkaasi ayay isku dhaafeen oo labadoodiiba ka nabad galeen inay ka duulaan jarkii.