Haweeneydi Wax Ka Weerartay Suuqa Westgate Nairobi Oo La Arkay Iyadoo Geel Ku Raaceysa Keynta G. Bay
Tuesday - December 24, 2013
Haweeneyda sida weyn loo doon doonayo ee u dhalatay wadanka Ingiriiska lalana xiriirinaayo Al-Qaacida iyo Al-Shabaab ee la yiraahdo Samantha Lewthwaite ayaa lagu arkay koofurta Soomaaliya iyadoo xoolo raacaysa ama ku metelaysa Geel-jirad.
Haweeneydan oo dambiyada loo haysto ay ka mid yihiin inay wax ka abaabushay weerarkii suuqa Westgate Mall ay Al-Shabab ku qaadeen dabayaaqadii bishii September ee sanadkan kaasoo dhaliyay khasaaro naf iyo maalba leh.
Wargayska The Mirror ayaa sheegay in xogtaan uu kasoo xigtay ilo dhanka amaanka ayaa waxaa uu sheegay in Samantha Lewthwaite la arkay iyadoo xoolo geel u badan ku raacaysa dhul miyi ah oo ku yaala inta u dhaxaysa gobolada Bay iyo Bakool ee koofurta Soomaaliya.
Warkan waxaa lagu sheegay in Samantha lagu arkay meel u dhaw magaalada Baydhabo muddo haatan laga joogo Labo Todobaad iyadoo la socota dumar raacayey Xoolo u badan Geel iyo Dameero.
Dad xoolo dhaqato ah ayuu wargeysku sheegay inay u xaqiijiyeen in haweeneydan oo lacag badan lagu doon doonayo ay ku dhumaalaysato dhulka kaynta ee ku yaala koofurta Soomaaliya halkaasoo la aaminsan yahay inay ku tababarto dhalinyaro Al-Shabab ka tirsan.
Wargeyska The Mirror waxaa uu leeyahay xubno ka tirsan sirdoonka Ingiriiska ayaa inoo xaqiijiyay in haweeneydan ay samayso is badal xagga degaanka ah bil walba iyadoo si buuxda ula shaqaysa qeybta amaanka ee Xarakadda Al-Shabab.