ilaa 11 Haween Somali Oo Laga Badbaadiyey Mucaaradka Ka Gadooday Magalada Bor Ee Konfurta Sudaan
Wednesday - December 25, 2013
ilaa 11 Haween Soomaali ah ayay hayadda qaxootiga adduunka ee UNHCR ka soo badbaadisay magaalada Bor ee Koonfur Sudan, halkaas oo ay ka dhacayeen dagaalladii ugu cuslaa ee dhex mara dhinacyada isku haya siyaasadda waddankaasi.
Bor
Gabadha Muno Nuur Diiriye oo ka mid ah haweenka ay soo badbaadisay Qaramada Midoobay, oo u warrantay idaacada Bar-kulan ayaa sheegtay in ay markii hore gudaha u galeen xarun ay Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Bor, kaddibna halkaasi ay ka soo qaadday diyaarad ay leeyihiin ciidamada Qaramada Midoobay ee jooga waddankaasi.
Muna waxa ay sheegtay in ay la socdeen 55 kale oo dumar ajaanib ah, kuwaas oo iyaguna xerada Qaramada Midoobay ee Bor u galay magan-gelyo doon.
Dhammaan haweenka ay soo qaadday Qaramada Midoobay ayaa la geeyay magaalada Juba ee caasimadda Koonfur Sudan, halkaas oo ay haatan xaaladdeedu tahay mid degga.