Xukumada Milatariga Dalka Masar Oo Ku Dhawaaqday In Ururka Ikhwaanul Muslinku Yahay Urur Argagixiso
Thursday - December 26, 2013
Qahira-Dawlada Masar ee Milatarigu Daaha dabadiisa ugu jiro ayaa ku dhawaaqday shalay in Ikhwaanul Muslimiin uu yahay urur Argagixiso, isla markaana ay dambi tahay cidii maalgalisa dhaq-dhaqaaqyadiisa, xataa ka mid noqoshadiisa kooxdii uu hogaaminayey Madaxweynihii talada dalkaasi la fara-marooyey.
Dhawaaqan shalay ayaa cirka ku sii shareeraya xiisadii dagaal ee u dhaxaysay dawlada iyo kooxda Ikhwaanul Muslimiinka, oo abaal gud looga dhigay bishii July inqilaab milatari oo dhiig badani ku daatay oo lagu riday madaxweynihii la doortay ee Maxamed Mursi.
Xussam Ciissa, oo ah Wasiirka waxbarashada sare, ayaa akhriyey war-murtiyeed ay soo saareen golaha wasiiradu kulan dheer oo ay yeesheen kadib ayaa waxa uu yiri Goluhu waxa uu ku dhawaaqay in kooxda Ikhwaanul Muslimiin uu yahay urur Argagixiso.
Waxaanu intaasi ku daray in goaankani uu jawaab u yahay qarax bam oo salaasadi lagu bartilmaameedsaday xarunta Bileyska ee magaalada Nile Delta oo ay ku dhinteen 16 qof kuna dhaawacmeen in ka badan 100 qof.
Inkasta oo Ikhwaanku uu diiday masuuliyada weerarkaa, ayaa waxa sheegtay koox ay dhiirigaliso Al-Qacida inay ka dambaysay qarixii ismiidaaminta ahaa ee dhacay.
Masar, waqooyi iyo koonfur waxa uu si weyn uga naxday dambiga foosha xun ee ay ka geysteen kooxda Ikhwaanul Muslimiinku ayuu yiri Wasiirka tacliinta sare, waxaanu intaasi ku daray dhacdadani waxa ay ahayd xaaladaha khatarta ah ee sii kordhaya ee ka dhanka ah Masar iyo Masaarida, iyadoo dhawaaqyada ka soo baxaya kooxda Ikhwaanul Muslimiinkuna uu yahay mushkilad ay abuuraan.