Shiikhi Afaraad Oo Mombasa Lagu Dilay Iyo Musllimiinta Halkaas Oo Caro Daalisay
Friday - December 27, 2013
Kenya- Mombasa- Magaalo Xeebeedka Mombasa ayaa lagu dilay Sheekhii 4-aad,iyadoo Dadka reer Mombaasa dilkan ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan Sirdoonka Kenya oo kaalmo ka helaya sirdoono dawlada kale.
Sheekhan la dilay oo ahaa Waayeel da'diisa lagu sheegay 60-jir,ayaa si toosa u dhaliili-jiray Ciidamadda Kenya ee gudaha Soomaaliya ku sugan,waxaana la oran-jiray Marxuumka Sheekh Salim Mwasalim,waxaana Sheekha lagu dilay deegaanka Ukunda ee Mombasa xili uu Masjidka ka soo baxayay.
21-beri ka hor ayaa isla degaanka Mombaasada lagu dilay Sheekh Xqsan Mwayuyo oo ka mid ah Culimadda ugu caansan magaaladda Mombasa.
Dilalka karbaashka qorsheysan ee Culimadda lala beegsanayo magaaladda Mombasa oo ay degan-yihiin Muslimiin badan oo reer saaxilka Keenya ah,ayaa laga yaabaa inay dhalisso caro ay muujiyaan dhalinyaradda muslimiinta Kenya oo laga cabsi qabo inay u aaraan 4-ta sheekh ee Mombasa lagu dilay iyo kuwo iyagana dil-suge ah,waxaana Culimadaan la dilayo loo ugaarsanayaa Ururka Alshabaab ayaad taageertaan dagaalka ay kula jiraan ciidamadda Kenya ee gudaha Soomaaliya ku duulay.