Kooxda Al-Shabaab Oo Ugu Baaqday Dadka Ku Nool Mogadisho In Ay Ka Dheeraadaan Xaruumaha Ciidamada
Monday - December 30, 2013
Muqdisho -Xarakada Al-shabaab ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqday inay ka fogaadaan saldhiyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho iyo weliba xarumaha dowladda, iyagoo sheegay inay goobahaas yihiin kuwa ay mar walba beegsanayaan.
Madaxa Al-shabaab ee gobolka Banaadir, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in meel walba ay ku ugaarsan-doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, isagoo u jeediyay shacabka inay ka cararaan baabuurta meelaha ay taagan yihiin iyo xarumahooda.
"Waxaa naga goan inaan beegsanno ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaan dadka ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan baabuurtooda, saldhigyada ay ku sugan yihiin, xarumahooda iyo wasaaradaha dowladda, ayuu yiri Sh. Cali Maxamed Xuseen.
Dhinaca kale Wararka ka imaanaya Gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee gobolkaas ku sugan ay la wareegay deegaannno ka tirsan degmada Berdaale ee gobolka Bay.
Masuul ka tirsan maamulka gobolka Bay ayaa warbaahinta u sheegay howlgallo ay wadajir u sameeyeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay maanta kula wareegeen deegaanno hoos-taga degmada Bardaale.