Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Dagaaladii Konfurta Suudaan Oo Weli Taagan Iyo Xal Xabad Joojin Ah Oo La Wado

Tuesday - December 31, 2013

Ciidamada Suudaanta Koonfureed ayaa dib u qabsaday magaalada Bor oo waqooyiga kaga beegan magaalada Juba una jirta qiyaastii 190 km, taas oo ay haystaan kooxda daacadda u ah Reak Macher.

Ciidamada Dowladda Salva Kiir ayaa ka faa’idaysaney inta ka dhiman xabbad joojinta loo qabtay  labada dhinac, waxaana
Wakaaladda wararka ee AFP ay sheegaysa in dagaalku weli ka socdo goobo ka mid ah Bor subaxnimada maanta oo Talaado ah.
Magaalada Bor ayaa laba mar gacanta dowladda ay ka saareen Jabhadda ku kacsan Salva Kiir ee daacadda u ah Madaxweynine ku xigeenkii hore ee Sudaanta Koonfureed Mr. Macher.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka Uganda Musaveni ayaa fariin  iyo hanjabaad u diray kooxda Macher, waxaana uu sheegay haddii wakhtiga loo qabtay in rasaastu ku joogsato aysan aqbalin in dalalka Afrikaanku diyaar u yihiin in ay banaanka u saaraan kooxda Mr. Macher

Dagaalada iyo rabshadaha ka aloosan Suudaanta Koonfureed ayaa bilowday 15 Decmber kadib markii la isku dayay in Inqilaab xukunka looga tuuro Salva Kiir.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa safaaradda ay ku leedahay Juba ayaa diyaarado ku soo daabushay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed oo dagaaladu saameyn ku yeesheen, waxaana la sheegayaa in qaar dad u dhashey Soomaaliya ay dagaaladaas ku dhinteen.