Waxan halkan ku qoraynaa hees caan ah oo kuwa fara ku tiriska ah, ee aan gaboobin, duugoobin, laga xiiso dhicin, mar walba cusub oo macaan-keedda marka aad dhadha-miso, ama maqal-keeda ruuxii uu kaga dhaco dhegaha uu si gaar ah dareen u galo, waa heesta la yiraaho kii noo hagaagee noqo loo han weyn yahay, waa hees sand-kiiba mar ina soo marta oo uu qaado fanaankii weynaa ee Maxamed Saleebaan Tubeec waana tan ee iga hoo:-
(1) Sanad weliba hoodiyo, hawliyo dhibaatiyo,
Balaayadda huraysiyo, wuxu hadimo leeyahay,
Waa laga helaayoo, hadhaw lagu xasuustaa,
Kii noo hagaagee, noqo loo han-weyn yahay.
(2) Waan ku haybi-naynee, ilaahay ha kaa dhigo,
Adna hogol daaysiyo, habeen dhalad barwaaqee,
Nimco la harsan dooniyo, cawo lagu hesiiyo leh,
Kii noo hagaagee, noqo loo han-weyn yahay.
(3) qaar kaa horeeyoo, hodanaa na dhaafee,
Halkii loogu mahad naqay, ka habaabi-mayside,
Kuwa haray-na dabadaa, waa la hubsan doonaa,
Kii noo hagaagee, noqo loo han-weyn yahay,
(4) Waa halis aduun-yaddu, hoosiis wareegoo,
Hir markii la gaara-ba, ku kalaa hilaacee,
Nin-ba wuxu ku haystaba, waa lagu hamiyayaa,
Kii noo hagaagee, noqo loo han weyn yahay.
Waxan Ummadda Reer Somali ee kalla jooga hareeraha iyo dunida dacala-deedda aan ugu hambali-yeynayaa, sanadka cusub ee 2014 in ilaah ina siiyo khayr-kiisa, isku kalsooni, horumar, barwaaqo, caafimaad oo wixii cudur ah iyo balaayo uu inaga kor qaado, wixii inoo xuna uu hal-koodda ku damiyo, wixii inoo cadaw ahna uu dab-koodda isku bakhtiyo iyaka laf-toodda nabad eebbe siiyo, oo aan ka korno waxa dib inoo dhigay, sida qabyaaladda, isu fiirsiga, isku taag-naanta, mususq-maasaqa, cadaalad daradda, kala roonaan laaanta iyo wixii la mid ah, waxan eebbe inooga baryayaa, in uu meel inoo wadda jeediyo inoo dan ah, oo isu keen laab xaaro inaka oo isku ujeedo ah, meela ka soo wadda dab qaadana, ishana ku hayna halka inoo daran iyo waxa aynu rabnaa waxa ay yihiin.