Fowziyo Yuusuf Xaaji Oo Sagootisay Shaqaalihi Wasaarada Arimaha Dibada
Wednesday - January 1, 2014
Mogadisho- Sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta qiratay inay ku fashilantay hagaajinta, qalabeynta iyo wax ka qabashada xafiisyada Wasaaradda iyo Safaaradaha.
fowzia Xaflad sagootin u muuqaal eg oo ay u qabatay Shaqaalaha Wasaarada ay hogaamiso ayaa ku nuux nuuxsatay inay la shaqeyn doonto, ayna caawin doonto shaqaalaha wasaaradda haddii xilkeeda dib loogu soo celiyo iyo haddii ay ku weydo isbadalka intaba.
Fowsiyo Yuusuf ayaa sheegtay in arrin filan waa ku aheyd inay dareento niyad jab shaqada gudaha, ayna ku guuleysatay siyaasadda dibadda.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Fowsiyo Yuusuf laga yaabo inay weydo xilka Wasiirka Arrimaha Dibada, waxaase ay u badan tahay in xil kale oo Wasaaradeed loo magacaabo.
Fowsiyo Yuusuf ayaa xilka wasiirka arrimaha dibadda ay kula tartamayaan rag ku beel ah oo kala ah Ismaaciil Hurre Buubaa, Xildhibaan Ridwaan oo ka mid ah dadka aadka ugu dhow Madaxweynaha iyo Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil.
Golaha Wasiirada ayaa lagu wadaa in loogu dhawaaqo bishaan 5-teeda, iyadoo ka badnaan doonto tiradii Xukuumadii hore ee Saacid Faarax Shirdoon.