Miyaan Dheelaleysanhay Mise Waan Dhadhaabaya .. Wadadi Galdogob- Gaalkacyo Oo Meel Wanaagsan Mareysa
Thursday - January 2, 2014
Galdogob- Waxaa meel wanaagsan mareysa wadada la doonaayo in laga dhigo, ujeedauna tahay si ay sahlanaato safarka gaadiidka ee u kala socda Galdogob iyo Gaalkacyo, taaso wajigi kowaad hadda soo gaartay degaanka xero jaalle oo 18km u jirta degmada Galdogob
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa kormeer u kuur galid ah ku tagay halka ay marayso wadada iyadoo ay hadalo ka jeediyeen isaga iyo Enjineero deegaankaa oo qaarkood dibadda ka yimid qaarna gudaha joogeen.
Eng. Gorod oo madax ka ah shirkadda dhisaysa wadada ee Is-xilqaan ayaa ugu horayn sheegay inay jiraan caqabado yar-yar balse intii badnayd dhismaha wadada inta hada la dhamaystiray ay ku dhameeyeen si hufnaan ay ku jirto.
Eng. Hurshe oo ka mid ah khabiirada dhismaha ee garoomada iyo waddooyinka ugu caansan ayaa sheegay qiimayn ay ku sameeyeen wadada inaysan ku arag wax weyn oo hadda cilad looga dhigi karo shirkadda balse uu ku dhiiri galinayo inay sii dadaalaan.
Eng. Buraale oo ka yimid dalka Norwey ayaa munaasabadda ka sheegay in dalka Norwey uu uga yimid sidii uu u qiimayn lahaa dhismaha wadadani, isla markaana uu laba maalmood qiimaynayay uuna ku farxay qaabka dhismaha uu u socdo hase yeeshee ay jirto waxyaabo yaryar oo ay shirkadda u gudbin doonaan.
Buraale ayaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha wadada xiriirisa degmada Galdogob iyo magaalada Gaalkacyo, taasoo muhiim u ah isku socodka mandiqadda.
Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa cod dheer ugu yeeray cid walboo ka qayb qaadanaysa dhismaha wadadani isagoo ka codsaday in qof walba wuxuu awoodo kaga qayb qaato dhamaystirka wadadaasi.
Gudoomiyaha ayaa bogaadiyay cid walboo horay uga qayb qaadatay dhismaha wadadaasi, isagoo sheegay inay ku rajo weyn yihiin mustaqbalka kalluunka laga soo qabto badda Garacad in looga qadeeyo Galdogob, ayna furi doonto xiriir ganacsi Soomaaliya iyo Itoobiyaa.
Gudoomiyaha wuxuu carabka ku dhuftay in 100ka fuusto ee daamurka ama laamiga ugu horeeyay ay ku deeqayaan maamulka gobolka Mudug.