C/Weli Shiikh Oo Bambadii Magacyada Golihi Wasiirada Laba Maalin Kadib Biinka Ka Furi-doona
Friday - January 3, 2014
Mogdisho- Xafiiska Raiisal Wasaaraha iyo gaar ahaan xarunta Villa Somaliya waxaa ka socda kulamadi maalmihi ugu dambeeyey ee looga baaraandagaayo xulista xubnaha golaha wasiirada oo la filaayo illa sadex cisho gudahooda in daaha laga rogo, waxaana warar xuuraan tibaaxayaan in raiisal wasaare Cabdiweli shiikh oo in badan rogrogay maskaxdiisa mar qura uu markaan gudoonsaday inu ku mitido sidi uu soo magacaabi lahaa wasiiro dhalinyaro darban qabuul leh oo aqoontooda tusaale iyo tusmo fiican leh, oo weliba maamuladi hore oo dhan buro-dhaafsiya, hasa ahaate waxaa warkaas la raacinaya inu weli ka lug bixi la' yahay kuwa halka ay degaan aan dogob ka soo bixin oo ah maafiyada cag ma-dhigayaasha mar walba soo jeeda, midab beenaadka biyaha u eg abuuri yaqaana oo wax waasteynaaya si ay afka uga galiyaan Raiisal wasaarha kuwa aan waxba ka galin dalka iyo danta ummada, sido kale waxaa jira odayaal la soo dhoodhoobay oo iyagana ku garnaqsanaaya beer-laxaawsi iyo ilma Qansax qurac ha laga qaato wasiirka, dhinaca kale xildhibaano iyagana is daadihinaaya oo iyana raba in la magacaabo ayaa geeda-gedeyn ku jira oo wax la kala boobo u kala bartamaya.
isha wararka ka soo baxaya gaar ahaan xafiiska Raiisal wasaaraha, iyo kan madaxweynahaba ayaa sheegaya in halkaas iyo xafiisyadooda lala tubnayahay is tus-tus iyo is-wanaajin iyo hadalo qiiro amaan dhiigu da'yo ee munaafaqada hoosta ka qalalan, iyo marmarsiinyaha is hafarka dhacaya oo ah wax baan ku haya iyo kan baa dantaada wada.
Isku soo wada duub, haddi si toosa ileys weyn lagu ifiyo xaqiiqooyinka jira ee daahan, ujeedadu waa in la marin-habaabiyo Raisal wasaaraha si usan uga fiirsan ama kasii baaran-degin waxa u sameynaayo, sidaa darteed C/weli waxaa looga fadhiya inusan sharaftiisa marna meel uga dhicin oo hawlihiisa gudoonkeeda ku dhameysto garaad-nimo oo iska ilaaliyo kuwa maanka laga qaaday ee been taariikheedka sameystay .. Reer hebel wax kuma laha-na waa inoo halhayes. hadde sidee baa markaas loo doonayaa in ay wax u kala socdaan .. hubsiino hal baa la siista, Raga la xulaayo taarikh nololeedkooda dib loo baaro oo xitaa la is weydiiyo ma famil-man baa mise waa faashil jaahawareersan caan ku ahaa khamaarka iyo qaadka Qurbaha, ha la eego caqli salimkiisa iyo aqoontiisa xaqiiqada ka jirta .. ha ahaadaan kuwa hadalka san iyo hawlaha san ku suntan .. Ugu dambeyn sidaas iyo si la mid ah baan rabnaa ee allow ku waafaji sida wanaagu ku jiro.