Garoowe: Musharaxiin Buuxiyey Shuruudaha Doorashada Iyo Kuwi Harsanaa Oo Saaka Buuxinaaya
Monday - January 6, 2014
Garowe(pp) Ka dib markii uu guddiga doorashada KMG ah ee Puntland soo bandhigay sharuudaha laga doonayo inay buuxiyaan murashaxiinta tartamaya,ayaa waxaa isla markiiba dadaalo iyo raacida nidaamka doorashada ku dhaqaaqay qaar ka mid ah ragga tartamaya,kuwaasoo fiidkii hore ee xalay buuxiyay dhamaan sharuudihii laga rabay.
Sida uu Puntlandpost u sheegay gudoomiyaha guddiga doorashada Saadiq Abshir Garaad waxaa sharuudaha buuxiyay murashaxiin faro badan,oo ay ka mid yihiin madaxwaynaha taladda haye ee murashaxa ah Farole, Cali Xaaji iyo C/weli Gaas iyo rag kale.
Balse wararka hoose ee ay heshay Puntlandpost ayaa sheegaya inay jirto murashaxiin saluug ka muujinayo lacagta is-diiwaan galinta oo doorashadaan la kordhiyay,waxana saakay magalada ka socda dadaalo kale oo ay wadaan murashaxiinta harsan,kuwaasoo doonaya inay dhaqso u buuxiyeen sharuudaha.
Galabta ayay ku eg tahay qabashada codsiyadda murashax kasta,iyadoona wixii ka danbeeya ay guddiga doorashada gudo gali doonaan howlaha kale ee u harsan.
Ammaanka goobta ay doorashadu ka dhacayso ayaa si wayn loo adkeeyay,waxana magalada kusoo qul-qulaya dad aad u faro badan oo doonaya inay goob joog ka noqdaan doorashada.
Docda kale saxaafadda iyo wasaradda warfaafinta ayaa kulansan,waxayna ka wada xaajoonayaan habka ugu wanaagsan ee doorashada loo tabin karo iyo in la muujiyo isku xirnaan maadama doorashadaan caalamka oo dhan si toos ah looga daawayn doono.
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe