Feysal Cali Waraabe Oo Afka Furtay Sheegeyna inu Wada Hadal La Galaayo Somaaliya
Tuesday - January 7, 2014
Hargeysa-Feysal Cali Waraabe ayaa ka soo yeertay hadal ay si weyn ula yaabeen dhamaan shacabka ka soo jeeda Somaliland ka dib markii uu sheegay in xisbiyada mucaaradka ah ay wada hadalo ay la furayaan dowlada Federaalka Soomaaliya ayna ku biiri doonaa Soomaalida inteeda kale.
Feysal Cali Waraabe ayaa si caro leh uga hadlay shir jaraa'id ee uu qabtey isagoo u hanjabay xukumada Siinlaanyo wuxuuna sheegay hadii xisbiyada mucaaradka lagu dari waayo wadahadalada Soomaaliya ay iyaga si gooni ah ula hadli doonaan.
Faysal Waraabe Ayaa Sidoo kale Wuxuu Sheegay Inaan Haatan Wax Maamul Ahba Siilaanyo Gacanta ku Haynin ayna Khalad tahay Inay La Hadlaanba Dawlada Soomaliya. Ugu Danbaynta Ayaa Wuxuu Ka Hadlay Dhibaatadii Dhowaan Xirsi Toorile uu Ka Sameeyay Deegaanka Oodwayne, Isagoona Sheegay In Maamulka Hargeisa uu Ku Noqday Beelo Beelo.