Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Is Bedal Weyn Oo Ka Dhacay Puntland, C/weli Maxamed Gaas Oo Noqday Madaxweynaha Puntland

Wednesday - January 8, 2014

Garoowe- C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa noqday Madaxweynaha Maamulka Puntland kadib markii uu si dirqi ah kaga adkaaday ninkii jagadaas soo haayay 5 tii sano ee la soo dhaafay C/raxmaan Faroole kadib markii doorashadii saaka ka bilaabatay Garoowe la isla gaaray wareegii 3 aad ee codka hal dheeriga ah lagu kala guuleysanayay.
.
 Gaas 33
Faroole 32
Ha; Cod Waa xumaaday
 
Ra’iisalwasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiweli Maxamad Cali Gaas, ayaa noqday madaxweynaha cusub ee Puntland.
Madaxweyne Cabdiraxman Sheekh Maxamad Faroole ayaa doonayay in dib loo soo doorto mar kale.
Waxaa tartan culus la galay oo jagada ka qaaday Cabdiweli Maxamad Gaas
.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire ayaa ku dhawaaqay in Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu yahay Madaxweynaha Puntland 2014-2018.
Intaas kadib Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlay madasha ayaa uga mahad celiyay Xildhibaanada doortay iyo inta aan dooran, isagoo ku amaanay Madaxweynihii ka horeeyay C/raxmaan Faroole wixii uu qabtay, waxaana uu cadeeyay inuu u aqoonsanayo Oday reer Puntland ah.
Madaxweynihii hore Faroole oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada doorashada, isla markaana uu aqbalayo intii shakisaneyd uu shakiga ka baxayo in maanta si dimoqraadiyad ah doorashada ku dhacday.
 
Hoolka Doorashada ka socotay ayaa waxaa ku sugnaa wakiilo ka socday Beesha Caalamka, Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, Midowga Yurub, IGAD, Midowga Afrika iyo wafdi ka socday dowladda Itoobiya.