Mareykanka Oo Sheegay In Ay Unugyo Ka Tirsan Ciidamadiisa Ku Sugan Yihiin Somaliya
Saturday - January 11, 2014
Muqdisho- Saraakiil Mareykan ah oo wareysiyo siiyay wargeyska Washitgong Post ayaa sheegay in ciidammo Mareykan ah ay ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya, waana markii ugu horreysay oo Mareykanku uu sheego inay ciidammo kaga sugan yihiin Soomaaliya.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in unugyo ka tirsan ciidamadooda ay ku sugan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo shaqadooda tahay inay ka shaqeeyaan isku xirka howlgalada ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladda ay kula jiraan kooxda Al-shabaab oo qaybo Soomaaliya ka mid ah gacanta ku hays.
Mareykanka wuxuu Soomaaliya u diray ciidammo la shaqeeya ciidamada sida wadajir ah ula dagaalamaya Al-shabaab, waxaana u jeedku uu yahay inay siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Somalia talooyin dhanka malitariga ah, si horumar looga gaaro nabadgalyada Soomaaliya, ayuu yiri afhyeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan, Colonel Tom Davis.
Goor sii horreysay ayay saraakiil ka tirsan wasaarada difaaca Mareykanka waxay Tv-ga Al-Jazeera u sheegeen in shan sarkaal oo Mareykan ah ay ku sugan yihiin Muqdisho, iyagoo arrintaas ku sheegay qorshe uu Mareyknaka ka qayb-qaadanayo soo celinta nabadda dalka Soomaaliya.