Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Warkii Jiraba Cakaaruu Imaan .. Raiisal Wasaare C/Weli Oo La Siiyey Toban Maalmood Oo Dheeri Ah

Saturday - January 11, 2014

Muran iyo xarig kala jiidasho oo Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed uga imanaysay xaga xildhibaanada qaarkood iyo gaar ahaan dhinaca Villa Soomaaliya ayaa horseeday in waqtigii Raysal Wasaaruhu uu kuso dhisi lahaa Golihiisa Xukuumada uu ka dhaco,waxaana 30-kii bari ee Dastuuriga ahayd ee Xukuumada uu kuso dhisi lahaa Cabdiweli Sheekh Axmed ay ku eg tahay maalinta bari ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 12.1.2014.

Waxaa la sheegay in Madaxweynaha iyo Kooxo la taliyaashiisa ah ay xusul duub ugu jiraan in dib loo soo celiyo xubno ka tirsanaa Xukuumadii Baarlamanku uu riday,ee sababta loo riday ay ahayd in ay ku fashilantay hawlihii loo igmaday.

Baarlamanka dowada Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ku meelmariyay in Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya la siiyo 10-maalmood oo dheeri ah,si uu ugu soo dhiso Golihiisa Xukuumada cusub,ka dib codsi Baarlamanka uga yimi Raysal Wasaaraha Soomaaliya.

In ka badan 140-xildhibaan ayaa isku raacay in Raysal Wasaaraha Soomaaliya la siiyo 10-maalmood oo dheeri ah,oo uga bilaabanaysa maalinta bari ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 12.1.2014.

Waxyaabaha lagu qiimayn doono Raysal Wasaraha cusub ee Soomaaliya ayaa waxa qayb ka ah Xukuumadiisa cusub oo si dhow ay ula socdaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahate,dadweynaha Soomaaliyeed ayaa iswaydiinaya sababta loogu baahan karo in dib loo soo celiyo xubno ka tirsanaa Golihii Xukuumadii dhacday,mar hadii sababta Xukuumadii hore loo riday ay ahayd wax loogu yeeray fashil ku yimi wax qabadkii laga sugayay.