Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Madaxweyne Xasan Oo Cadaadis Siyaasadeed Uga Yimid Xaga Baarlamaanka Somaaliyeed

Sunday - January 12, 2014

Mogdisho- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dood adag ka yeeshay mooshin ka dhan ah Wasiiradii Xukuumadii Ra’iisul wasaare Saacid ee uu baarlamaanka kalsoonida kala laabtay in aan lagu soo darin Golaha Wasiirada cusub ee la soo dhisi doono.
Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu ka mid ahaa ajandaha afaraad ee Kulanka Baarlamaanka, waxaana cod loo qaaday in la soo hormariyo mooshinka u codeysay 87-Xildhibaan, iyadoo kadib Gudoonka uu geliyay in laga doodo.

ilaa 50-Xildhibaano ayaa ka dooday mooshinka ka dhanka ah in aan Xukuumada cusub lagu soo darin Wasiiradii hore, waxaana Xildhibaanada ay isugu jireen kuwo taageersanaa mooshinka iyo kuwo ka soo horjeeday.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada soo gudbiyay mooshinka ayaa sheegayay in aanay aheyn in Wasiiradii hore lagu soo daro, maadaama Xukuumadii fashilantay ay qeyb ka ahaayeen.

Xildhibaanada ayaa cuskanayay in xubno ka tirsanaa Xukuumadii Saacid ay wax ka saxiixeen mooshinkii kalsoonida lagala laabtay, isla markaana ay iyagu yiraahdeen waa fashilnay, hadii dad shalay yiri inay fashilmeen inaan lagu soo darin Golaha Wasiirada cusub.

Sidoo kale Xildhibaanada ka soo horjeeday mooshinka ayaa sheegay in hadii Ra’iisul Wasaaraha uu u arko inay shaqeyn karaan Wasiiradii hore inuu ku soo dari karo, isla markaana aanay aheyn in Baarlamaanka ku fara geliyo qaabka Wasiirada uu u soo xulayo Ra’iisul Wasaaruhu.

Intaas kadib Gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in cod loo qaado, hase ahaatee tirada soo xaadirtay darteed ayaa suura gelin weyday in cod loo qaado, waxaana Gudoonku uu ku wargeliyay Xildhibaanada in Maalinimada Talaadada codka loo qaadi doono.

Mooshinkan loo qeybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka dhanka ah Wasiiradii Xukuumadii hore ee Saacid in aan lagu soo darin Wasiirada cusub, waxaana uu ku soo beegmayaa iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uu ku howlan yahay inuu soo dhiso Gole Wasiirada.