R/W Cabdi Weli Shiikh Oo Beri Ku Dhawaaqaya Liiska Xubnaha Cusub Ee Golihiisa Wasiirada
Tuesday - January 14, 2014
Muqdisho-Raisul wasaaraha xukuumada Somalia C/wali Shiikh Axmed ayaa la sheegayaa inuu beri ku dhowaaqayo golihiisa wasiirada cusub sida ay sheegayaan warar laagu kalsonaan-karo oo na soo gaaraya. Qaban-qaabo la doonayo in lagu soo magacaabo golaha cusub ee wasiirada ayaa ka socota xarunta maadaxtooyada Somalia ee magaalada Muqdisho.
Inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee wasiirada lagu dhawaaqayo berito ayaa haddana waxaa la xaqiijiyey iney ku jiraan dhowr wasiir oo ka mid ahaa xukuumadii la riday dhowaan ee Saacid oo lagu eedeeyey waxqabad laÂ’aanta.
Arintan ayaa soo baxday wax yar ka dib markii maanta Baarlamanka Somalia uu ogolaaday in wasiiradii xukuumadii hore lagu soo daro xukuumada cusub ka dib markii la laalay mowshin arintaas laga keenay.
Magacaabida golaha wasiirada ayaa dhowr jeer dib u dhacday ka dib markii madaxweynaha iyo raisul wasaaraha ay isku maandhaafeen xubnaha lagu soo darayo xukuumada cusub taasoo sababtay in Raisul wasaaruhu uu baarlamanka ka dalbado 10 cisho dheeraad ah in loogu daro xiligi uu ku soo magacaabayo golihiisa wasirada.