Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Wiil Ciyaartooy Somaali Ah Oo Kubada Cagta Heshiis Kula Galay Kooxda Rizespor Ee Turkiga

Thursday - January 16, 2014

Liiban Cabdi Cali oo ah ciyaartoy Somali ah ayaa waxa iibsaday nadiga Rizespor FC oo ka tirsan Super Liga Turkiga. Waxay ka soo iibsadeen nadiga Academica de-coimbra oo ka tirsan Portuguese Primeira Liiga.
Liiban wuxuu ka ciyaari jiray weerarka, Naadiyada  uu u soo ciyaaray oo ay ka mid yihiin Sheffield United oo ah naadi Ingriisa ah, Liiban wuxuu ku dhashay Magaalada Burco sanadkii 1988.
Liiban waxaa uu u tartamay in uu ku biiro naadiyo farabadan lakiin waxa uu ugu dambayntii door biday in uu ku biro oo uu u safto nadiga Rizespor FC.

Ciyaaryahan Liiban Abdi Ali ayaa heshiis 4 sano iyo bar ah u saxiixay Çaykur Rizespor oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee horyaalka dalkan Turkiga ee Super Liiga, sida aan ka soo xiganay barta uu xiriirka dadwaynaha ee facebook-ga uu ku leeyahay,Kooxda Rizespor waxaa ay ka dhisan tahay Magaalada Rize halkaas oo ah Magaalada uu ku dhashay Ra’isul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Dhinaca kale, website-ka Transfer market ayaa sheegaya in heshiiska uu Liiban la saxiixay kooxdan 13kii bishan, uuna socon doono illaa 30-ka Juun 2018,Liban Abdi Ali waa nin dhalinyaro ah oo ay da`diisu tahay 25 jir.