Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Dhagihi C/Weli Sh. Oo Ay Ku Shubeen Virus Oo Soo Magacaabay Wasiiro Bac La Afuufay Ah

Thursday - January 16, 2014

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya C/weli Sheekh Axmed ayaa goor dhow isagoo is hafraaya ku dhawaaqay golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayadoo Munaasabadda magacaabistana ay ka socotay xarunta Madaxtooyada Qaranka, laakiin sida la cadeeyey xafladaas kama soo qayb galin madaxweyne Xasan iyo G. Baarlamaanka, waxaase kaashif loo arkaya in liiska wasiirada intooda badan gaar ahaan kuwa muhimka ah ay ka socdaan dhinaca madaxweyne Xasan taaso lagu micneeyey in mindidi boqnaha gooysay Saacid ay markaana taalo madaxa C/Weli shiikh .. Xasan Shiikh seefti golaha wasiirada waxuu u dhiibtay Ragiisi beri u ku kala go'yn lahaa C/weli sida kan Amniga, arimaha gudaha iyo Fedaraalka,garsoorka iyo dastuurka, warfaafinta iyo maaliyada iyo kuwa kalaba

Ra’isul-wasaare C/Weli Shiikh oo beenti iyo khiyaaligi la isku maawelin jiray dan mooday ayaa tilmaamay in magacaabistan ay ka dambeyso wadatashi ballaaran islamarkaana uu ka ogolaadan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Waxaana uu ka codsaday Xildhibaannada Baarlamaanka iney ansixiyaan Golaha Wasiirrada taaso ujeedadiisu tahay inu dabool u yeelo caashaqa Xasan garguurte, hadana bayr isu yeelo oo iska dhigo nin kaligi wax soo qoondeeyey.

Golaha Wasiirrada ee uu soo dhisay Ra’isulwasaaraha ayaa lagu tilmaamaya xaaladoodu kuwa ah baco la afuufay oo kala baxday, waxayna ka kooban yihiin 25-Wasiir, Shan Wasiiru-dowle iyo 25 Wasiir Ku xigeen waxaana magacyadooda ay kala yihiin sidan:-

    Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Bare
    Wasiirka Maalliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane
    Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud
    Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle
    Wasiirka Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed
    Wasiirka Waxbarashada Mudane Axmed Maxamed Guraase
    Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mudane Yuusuf Cali Aamiin
    Wasiirka Qorsheynta Mudane Saciid C/laahi Maxamed
    Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
    Wasiirka Tamarta iyo Biyaha Mudane Jaamac Axmed Maxamed (Oday)
    Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow
    Wasiirka Gaadiidka iyo Duulinta Hawada Mudane Saciid Jaamac Maxamed Qoorsheel
    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Nucmaan Sheekh Ismaaciil
    Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Maxamed Ibraaahin Xaaji Aadan
    Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed
    Wasiirka Sportiga iyo Dhalinyarada Mudane Khaalid Cumar Cali
    Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta Sare Mudane Ducaale Aadan Maxamed
    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Aadan Maxamed Nuur
    Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska Eng Nadiifo Maxamed Cusmaan
    Wasiirka Haweenka iyo Hormarinta Xuquuqda Aadanaha Khadiijo Maxamed Diiriye
     Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Coloow Baroow
    Wasiirka Macdanta Mudane Daa’uud Maxamed Cumar
    Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Saalim Caliyoow Ibroow
    Wasiirka Caafimaadka Mudane General Axmed Maxamed Maxamuud
    Ku XIgeenka Ra’isulwasaaraha ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed