Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Qadar Dhacay Iyo Qoomamo .. Cabdi Weli Shiikh Caanuhu Dhawaan Way Ka Quban

Friday - January 17, 2014

Muddo aan yareyn ba waxaa la sugaayey ku-tiri-ku-teen, been iyo run la daadiyo, kolba dhan isula dulaanta, waxaa dhawaan la soo hurgufay ubucdi qarsooneyd oo banaanka la soo dhigay, gobolada qaar baa kaar cad loo taagay oo la siiyey qayb libaax, waxaana la cadeynaya iney wasiiradooda ka soo jeedaan Urur diimeedka Dam-jadiid, dhinaca kale maamulada qaar baa calan cas loo taagay oo la siiyey jagooyin maqaar saar ah iyo wasaarado muddooyin-kaanba jiritaan-koodaba shacabka iskaba ilaaween, sida wasaarada Qorsheynta, Beeraha, Waxbarashada, Tamarta, Macdanta,Caafimaadka, iyo wixii xunba Xaawa leh ..Ninbaa laga sheegay la iimana waxyoodo waxna ima seegana , waxaa horay loo yiri Weel waliba wixii ku jiray buu dhididaa, oo micna-heedu yahay qof waliba wuxu yahay iskama bedeli karo, oo in kasta oo la dhoo-dhoobo, waa kaad ogayd uun, waxaa biyo shubku yahay, Maskaxdda Xsan Shiikh waa tii aynu ogayn uun (Xasan waa Xasan), isaga iyo raiisal wasaarihiisa waa kuwa maanta si ambanaaya oo aan weli garan halka ay marayaan iyo sida ay iil ka yar isugu qodayaan, xitaa waa iloosan-yihiin in xukumadooda lagu ilaaliyo Tangi Qafilan ee ay gaarka ka hayaan maxysato Ogaandeys ah la soo aruuriyey, oo haddi la doono laga kaxeysan-karo, waxaa la yiri Lax dhukani Abaar moog .. C/weli wuxuu ciiro isku qariyaba, habeen hore isagoo la moodo sidi Qof ku soo daalay ka qayb galkii dagaalkii labaad al-calameyn ee aduunka, waxaa ooftiisa ka soo dilaacday liis ay ku qoran yihiin wax u ku sheegay wasiiro, oo intooda badan Qashaabiir falaxal ah oo u soo xushay Xasan Shiikh, waxaa la yiri: Waraabow in aad saamo jiido iyo shanqar tirasho kala daa. hadaba C/weli isago is hafray adigu ii baaq lagu yiri ayuu markaa iska dhigay nin isagu wasiiradaan soo xushay oo weliba riwaayad noo dhigay oo weliba jilaay sidi isagoo ay isku haystaan madaxweynaha xulka magacaabida .. waa taariikh iyo sheeko cusub oo inoo ugub ah

C/weli waa ninkii la islahaa ha loo hiiliyo oo maanta buurta dheer guradeeda ha la gaarsiyo iyo deyrta maanta ha loo guuriyo. Ninkaan oo daraadi dadkii ku kacsanaa oo horay xaalkiisa dhabta ah u yiqiin ayaa lagu yiri digtoonaada dibna u joogsada, laakiin shacabka bulshada dacalada dunida meel-kasta ee difaaciisa ku jiray maanta ayey garwaaq-sadeen inu dib ugu soo kaajay .. Hamhamta siyaasadeed ee golayaasha bulshada gaar ahaan dhankaas waqooyiga Ameerika waxay leeyihiin C/weliyow ina adeer yaa saa tan ku adeegsaday, oo dhismahaan ma aha kaagi, waxay ka yaaban-yihiin saa-saanka u la yimid C/weli Shiikh oo hoosta ku haysta arimo is-khilaafsan oo iska hor imaanaya, taaso ah laba wajiileyn aan caad saarneyn oo aan lagu arkin amase lagu aqoon raiisal wasaarihi hore Ee Saacid  .. Hadaba mudo tiro aan yareyn iyo inta la xusuusan-yahay illa Sadex hadal ayaa Cabdiweli Shiikh ku addimay oo ah inu soo dhisi-doono dawlad macaan spice bomb ah, aqoon tayo leh oo shicibku ku farxaan, laakiin iminka sida muuqata wixii oo dhan iyo farsamadi awlaba caga jiidka ahayd isku si kharibay .. markii horaba aniga oo ooyaayey bay iminkana Riyi igu sii joogsatay, waxaa la filaayey C/weli inu taayaro cusub galiyo baabuurka u darawalka ka yahay oo horay dhana u socn-waayey, batarigi ay ka dhamaadeen biyihi, taaso oo beryahaan dambe illa muddo loo la'aa cid is badalkaas is taarta.

In Badan ayaa laga tala bixiyey habka loo dhisaayo wasiirada cusub iyo nooca loo baahanyahay iney noqdaan, laakiin weli xaqiiqada fari kama qodna oo C/weli Shiikh isagoo ogaa halka Xasan Shiikh geedka u ka jaraayo ayuu C/weli muddo afartan cisho u lahaa bulshooy halkee baan geedka ka jaraa? waxaan filayaa iney horay ugu go'neyd Xasan Shiikh wasiirada xilka loo dhiibaayo, taaso sida muuqata C/weli afka lagu dhuftay oo hadda dib u fariistay lagana dhigay wax aan awood badan lahaan-doonin, caanuhuna dhawaan way ka quban, waayo iga gunud raga waa ragi, xilkuna waa xilkii ugu horeeya ee xaniyaha qaban-doona, caano booraha ka lisi-doona waa wasiirada xilalka culus lagula kufay ee Qadaadka indhaha ku leh ee u Qalwada soo gashaday C/weli .. matalan:

1- Wasiirka Amniga waxaa hoos yimaada boliska iyo nabadsugida, waxaana u madax ah C/kariin Dhagajuun oo gacanta midig Xasan Shiikh ah, wixii ammni la xariirana iyo warbixin maalmeedka xaalada dalka waa khasab in Xasan Shiikh kaligiis gacanta ku digi-doono, halka u cabdi weli arimaha nabadgalyada dalka cid dhag u dhigeysa aysan jiri-doonin 

2-Wasiirka arimaha gudaha iyo Federaalka, waxaa madaxweynaha xilkaas u dhiibtay Mr.Qoodax oo ahaa ninkii markasta hor taagnaa dhaq-dhaqaaqa federaal-doonka, kana mida ahaa ragi maamulka jubaland sida gaarka ah u diidanaa .. waa shakhsi dagaalkiisa had iyo jeer ku wajahan-yahay la dagaalanka maamulada laga sameynaayo dalka.

3- Masuulka Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka Mr. Faarax, waa maskaxda iyo aragtida Xasan Shiikh, waxaana loogu tala galay inu wixii dastuuri iyo qaynuun ah oo ka dhan ah madaxweynaha ka jawaabo

4- Masuulka Wasaarada Maaliyada mr. Xalane waa gacanta midig Ee Xasan Shiikh,isagaana u yeeray waxuuna iminka  daganyahay aqalka wardhiigley ee Xasan Shiikh, waxaana loogu tala galay in si gaara loogu xuuxiyo C/weli .. Madaxweynaha hadal ahaan waa u dul maray C/weli haddu is waalo amase amarka qaadan-waayo inu ku badali-doono Mr. Xalane

5- Wasiirka gaashaandhiga waa reer baydhabo waxaana keensaday Gudoomiyaha Baarlamaanka, waqti kastana waa sahal inu dhagta u raaraciyo Xasan Shiikh .. isaga tiri xagaas

6- Arimaha Dibada oo reer Boorama ah markasta waa dhex dhexaad laakiin haddba miisaanka dhinac u raajacmo ayuu is xijinayaa.

7- Hawada iyo Duulista Ina Jaamac Qorsheel, waa nin yaqaana dantiisa oo xaaladaha u ku suganyahay awgeed sina uma dhici-karto inu wax hiil ah u galo C/weli

8- Ridawan Xirsi Maxamed waa raiisal wasaare ku xigeen isla markaana ah wasiirka diinta iyo awqaafta, waa amiirka guud ee dam-jadiid, waa habar yoonis.

9-Maxamed Ibraahim, waa wasiirka isgaarsiinta iyo boostada, waa dam-jadiid, Dir biyo-maal

10- Dr. khaalid Maxamed Cumar, wasiirka ciyaaraha isna waa Dam-jadiid

11- Iyo kuwa kale badan oo aanan hadda halkaan ku wada xusi-karin  

Ugu dambeyn, Halkaas waxaa kaaga muuqaneysa in C/weli xitaa wanankii waaweynaa ee miisaanka lahaa uu mid qura ka hanan-waayey, balse kaliya dhiniciisa loo leexiyey dhawr waxaro yar-yar caato ah oo aan sidaas maanta bulshada u saluugsan-yihiin amase aan ka shaqeynba Somaaliya .. C/weli Shiikh, maanta waa haad geed waayey oo si wacan bay u dhigatay

Yaan hadal kugu daalin shiikhow, Hadal in aan dadno iyo ku aan daboolno labada dariiq baa mid uun dawga ku haboon. Ninkaan C/Weli tartan wasiirnimo ayu dhawr jeer ku waashay oo maa wax la ii dhiibto buu muddo dheer xuuxuda la hayey, hindisi-hiisana waa ka xeel dheereyd inu taariikh dhigo, amase ilaaliyo hanka fog iyo sharafka qoyskiisa, balse ujeedada weyn waxay tahay doorna bidaya inu sharafkii karaamada iyo magaci u heli-lahaa ku dhaafsado inu Xasan Shiikh dabagaliskiiska ogolaado isu dhiibo si u faraha ula galo dano gaara u tiigsanaayo ..Walle Cirdkaan arko ilko kama soo jeedaan .. Himilooy warkaa dhimay.