Abaabul Ka Dhan Ah Wasiirada Cusub Oo Ka Socda Mogdisho
Thursday - January 16, 2014
Mogadisho- Olole ka dhan ah Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay habeen hore Raiisul Wasaare C/wali Sheekh Axmed ayaa ka socda qaar ka mid ah Hotelada ku yaal magaalada Muqdisho, halkaasoo ay is uruursi ka wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.
Sida ay sheegayaan warar laga helaayo xildhibaanada qaarkood waxaa bilowday shalay gelinkii dambe olole la rabo in lagu rido wasiirada cusub, iyadoo abaabul xoog leh uu ka socdo dhawr ka mid ah hotelada Muqdisho oo xildhibaanada kulamo ka wadaan.
Qorshaha abaabulkan ayaa ah sidii codka kalsoonida loogu diidi lahaa maalmaha soo socda Golaha Wasiirada cusub oo uu Raiisul Wasaaruhu horkeeni doono Golaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Mucaaradada ka horyimid Golaha Wasiirada cusub ayaa bilaabatay markii labo ka mid ah Wasiir kuxigeenadii habeen hore la magacaabay ay shalay is casileen, waxaana tani ay wal-walka ku sii kordhineysaa Xukuumada cusub.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu socdo qorshe ay isku casilayaan qaar ka mid ah Golaha Wasiirada la magacaabay, iyadoo qaar ka mid ah beelaha ay saluugsan yihiin Wasiirada loo qoondeeyay oo ay ku tilmaameen kuwo aanay u cuntami karin.
Abaabulka Xildhibaanada wadaan ayaa ah sidii ay Xukuumada ka kooban 55 wasiir ay u ridi lahaayeen, iyadoo Baarlamaanku xilligan aad u kala qeybsan yahay, hadana waxaa la ogeyn sida uu uga gudbi karo caqabada koowaad ee soo wajahday Raiisul Wasaaraha oo ah kalsoonida Baarlamaanka.