Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Madaxweyne Gurguurte Oo Bangiga Dhexe Ku Amray Ineysan Lacg Siin-karin R/W Cabdi Weli Shiikh

Sunday - January 19, 2014

Xigasho Waaga cusub- Damujadiid oo xanibay dhaqaalaha Bankiga dhexe,waxaana lacag ka bixin kara madaxtooyada oo kaliya. Madaxweyne Garguurte wuxuu saxiixey warqad uu ku amrayo bankiga inaysan lacag ka bixin karin madaxtooyada waxaan aheyn... waxaana si gaar ah guddoomiyaha bankiga loo amray RaisulWasaare Cabdiwali iyo Tarsan ineysan waxba ka saari karin bankiga.
Xogtaan waxaa Warbaahinta Waagacusub siiyay hoowl-wadeeno ka tirsan Bankiga dhexe ee Somalia.
Amarka Madaxweyne Garguurte wuxuu ka careeysiiyay Ra'isulwasaare Cabdiwali oo qaadan waa ku noqotay.
Saxiixiisa laga xanibay Bankiga dhexe ee Somalia Waa cadaadis looga aarsanayo.. isla markaasna la tusuyo inuusan waxba aheyn.
Damujadiid waxay dooneysaa inay garbaha ka rifto Tarsan iyadoo aan lagu sameeyn xilka qaadis,waxayna xanibeen dhamaan dhaqaalahii Gobolka Banaadir ee laga qaadi jiray Bankiga dhexe.

Gudoomiyeyaasha degmooyinka ayaa badankood laga shaqeeyay inaysan Tarsan ka amar qaadan taas oo la mida qorshahii lagu cuuryaamiyay Ra'isulwasaarahii hore Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid}
Cadaadiska Tarsan la saaray wuxuu ugu dambeyn qasbi doonaa inuu xilka iska casilo.
Wariyaha siyaasiga u xuubsiibtay ee Yusuf Garaad Omar ayaa bartiisa Facebook wuxuu ku qoray dhambaal canaan iyo dhaliil xambaarsan,wuxuuna yiri:
Mas'uul kasta oo xil haya wuxuu xaq u leeyahay in xilkiisa lagu ixtiraamo, marka ay noqoto in laga beddelana loo maro nidaam qaanuunka waafaqsan, sharaftiisa iyo karaamadiisana aan meel uga dhicin. Ra'iisal Wasaare la riday oo weli xilkii sii haya in loo dabbaaldego riditaankiisa, Danjire howl qaran ku jira uu Warbaahinta ka maqlo qof xilkiisa loo magacaabay isagana aan laga wargelin, Duqa Muqdisho in Wasiir ku xigeen loo magacaabo isaga oo aan raalli ka ahayn xilkana laga qaadin ma aha in ay qeyb ka ahaadaan dhaqanka siyaasadeed ee dalkeenna. Haddii loo bareeray iyo hadday garasho xumo tahayba waxay falalkaasi aniga iigu muuqdaan meel-ka-dhac lagu sameeyay mas'uulka iyo weliba sharafta xafiiska uu hayo. Waxaa habboon in mustaqbalka laga dhowrsado bah-dilka aan dalkeenna u danta ahayn ee abaalmarinta looga dhigayo mas'uul shaqo soo qabtay.