Diwaanka Taariikhda: Islaanti Reer Galdogob Oo Faashil Ka Dhigtay Maxkamadihi Kacaanka Milatariga
Thursday - January 23, 2014
Waayadi maamulada milatariga u ka jiray Somaliya qiyaasta ku beegneyd sanadkii 1975-1976 ayaa xaafad ku tiilay daegmada Hodan waxaa ku dagaalamay habllo somaliyeed oo xaafadaas wada deganaa, kadibna waxaa loo taxaabay saldhiga boliska iyadoo lagu soo eedeeyey xaalad abuur nabadgalyo xumo iyo dhiiri-galin qabyaakadeed oo lagu hagar-daaminaayo kacanka .. xilyadaasna maamulkii kacaanka seeftoodu waxay ahayd banaanka.
Dabadeed kiisikii oo maxkamada loo gudbiyey ayaa goobti maxkamada lagu qaadaayey waxaa la keenay dad markhaatiyaal ah oo ka ag dhawaa gobta dhacdada lagu dagaalamay, waxaana markhaati-yaashaas ku jirtay islaan reer gaalkacyo ahayd, famil ahaan ka soo jeeday Reero Caan ku ahaa degaanadaas Galdogob Iyo Gaalkacyo.
kadib iyadoo la qaadayo dacwadi ayaa Nin garyaqaan ahi u yeeray markhaatigii u horeeyay oo ahayd islaanti. Garyaqaankii ayaa Intu uu ku dhowaaday islaanti ayaa wuxu ku yiri, Ma i garanaysaa?
Islaanti waxay ugu jawaabtay, Haa. Waan ku garanayaa. Weliba adiga oo inan yar ah ayaan garanayaa oo waalidkiis jigraari jiray, waxaa tahay habaar qabe ducadu ka beyrto, Run ahaantiina wax ma aadan baran oo tacllinti lagu diray waxaad ka dooratay khamaar iyo inaad khmriga gaalada cabto, biirkana jabiso. Dad aan waxba sameyn ayaad si farsamo ah maalin walba u xirataa si aad laaluush uga qaadato. Waad been iyo balah balah badantahay.beentaadana lug kaliya ayey ku taagan-tahay, waxayna ku sii shaqeyneysa inta jaalle siyaad kaa arkaayo, oo markaas macsaro iyo caano boore lagaa tuujin-doonaa. Waad xan badantahay. Dirdiraalaad tahay. Nin reerkiisi gabay baad tahay. Waxad ismoodaysaa nin cirka maray oo xidig ifaya ah, waxadse tahay mid aan garaad iyo garsho toona lahayn oo war iyo waraaqo la eedo maxkamadaha la meermeera. weli kacaanka kama aanu helin maamulkii iyo cadaaladi aan u baahneyn.
Garyaqaankii oo ahaa sarkal-xigeen oo markaas soo qaatay tababar dacwadaha yar yar, ayaa fajiciso ka qaaday weerarkii islaanta ayaa intu cabaar naxdin la aamusay hadana ku yiri islaantii, Garyaqaanka qolada kale u qareenka ah ma garanaysaa?
Haa.xaasha Ayay tiri islaanti. tororogle waan garanayaa. Isaga oo yar baan isna garanayaa.haa waa garanaya isagoo xabaalaha qodi jiray oo muddo busaarsanaa, Isaga laftiisa waa mid lagu hoobtay. Waa beenaale. Waa caajis. Waa wax ma tare. Waa biiri qaate. Wuxu ismoodayaa inuu yahay garyaqaan maqaam leh, hasa yeeshee, waa meel maran oo mugdiya. war ilaahay ka yaaba oo qawlka ilaahay raaca oo dadka ka daaya lugooyada".
Markay hadalkii dhamaysay ayaa shacabkii wax dhageysanaayey iyo maxkamaddii aamus hareereyay. Ka dibna Qaadigii ayaa labadii garyaqaan u yeeray. Markay u yimaadeen ayuu cod gaaban oo aan cid kale maqlayn ku yiri, dhageysta islaanta dood ha u celina hana la dacwina, teeda kale Haddii aad weydiisaan islaanta inay i garanayso, labadiinaba waan xirayaa oo waxan ku xukumayaa xadgudub xurmo maxkamadeed"
Qaadigi sidaas ayuu maalinti maxkamadi ku soo af jaray, waxaana la sheegay waayadi dambe in dacwadi labada dhinac ka socotay ay heshis afgarasho ku dhamaatay, taaso si dadban ay garyaqaanadi xaalka u astureen si aan dawlada warkii islaanta u gaarin .. laakiin aakhiru-tahankii warkii waa gaaray maxamed Siyad weyna is arkeen islaanti, waxuuna ku yiri maxaad garyaqaanada iyo maxkamada u weerartay soo ma ogid in sharciga ku qabanaayo. waxay ku tiri oo ku jawaabtay " weli nin jecleysi kama aadan harin, Nimanka meesha waxay ku yimaadeen maxaad aaminsan-tahay ee kuma imaan maxaad taqaan .. cala ay xaal markii dambe dood iyo wax la kaftamo iyada iyo madaxweynihi waa heshiyeen, dabadeedna isagoo codsigeeda tixgalinayana waxuu amray in la raaciyo dadkii mawsiimka xajka loo qaadayey.