Golaha Amaanka Oo Soo Wada Warbixin Ka Dhana Madaxweyne Gurguurte Iyo Damjadiid
Friday - January 24, 2014
Xigasho Waaga cusub- Gudigga dabagalka arrimaha Somalia ee Qaramadda Midoobay {Somalia/Eritrea Monitoring Group} ayaa dhamaadka bisha Febaury wuxuu si rasmiya u shaacin doonaa Warbixin xasaasiya oo cunaqabateyn lagu saari doono Madaxweynaha Somalia Hassan Mohamud Garguurte,qaar ka mida Wasiiradii Saacid iyo ganacsato caana.
Warbixinta soo baxeeysa Bisha Febraury oo Warbaahinta Waagacusub heshay iyadoo aan wali lagu sameeyn faaf reeb waxaa ku jira dukumiintiya sira oo muujinaya musuqmaasuqa Dowladda Madaxweyne Garguurte iyo qaar ka mida Wasiiro fulinayay siyaasadiisa gaarkaa.(Security Council Resolution 2060 (2014)
Wasiiro ay ka mid yihiin Fawziya Yusuf Haji Adam ,Farah Abdulkadir iyo Abdikariim Hussein Guled ayaa Warbixinta si gaara loogu xusi doonaa musuqmaasuq ay ku kaceen iyo gacan ay siiyeen Al-Shabaab.
Madaxweynaha Somalia Hassan Garguurte ayaa lagu eedeeyay warbixinta inuu abaabulay oo taladii dalka gacanta u geliyay Urur diimeedka Damujadiid halka dhinaca kalena uu hub farabadan ugu deeqay Jahbada xornimadoonka Ogaadeniya ee ONLF.
Wasiirkii Warfaafinta Somalia Mr Ciilmooge ayey Warbixinta sheegtay inuu shaqsiyan ka mid ahaa Saraakiishii sare ee Jabhadii ONLF sidaas darteedna uu door muhiima ka ciyaaray hub iyo dhaqaale Dowladda Federalka Somalia siisay ONLF.
Warbixinta waxaa ku jirta in Urur diimeedka Damujadiid hub ka soo iibsadeen Dalalka Uganda iyo Ethiopia kaas oo intiisa badan gacanta u galay Al-Shabaab.
Warbixinta gudigga Qaramadda Midoobay waxaa lagu lifaaqay Ganacsato Soomaaliyeed oo ku lug yeelatay dimbiyo waaweyn kuwaas oo qaab beeleeysan u maroorsaday shaqooyin aysan laheyn.una heysan dukumiinti ogolaansho sharciya.
Ganacsatadaan oo dhaqaalahooda la saari doono xayiraad waxaa ku jira nin lagu magacaabo Muuse Ganjab oo isku dayay inuu sifo sharcidaro kula wareego lacago Dowladda Somalia u yiil bankiyada Caalamka.
Muuse Ganjab oo ku qabiila Madaxweyne Garguurte wuxuu xatooyadaas u adeegsaday dad ajnabiyiina iyo Wasiiraddii Arrimaha dibadda Somalia Mrs Fawziya Yusuf Haji Adam ayaa lagu yiri Warbixinta hordhaca ah.
Wasiiradii Arrimaha dibadda Somalia Fawziya Yusuf Haji Adam ayaa lagu eedeeyay inay Dalalka Caalamka kula xiriirtay Warqado isku mida oo nin ka tirsan Lawyerada Shirkadda Shulman Rogers qoray.
Dowladaha ay Fawziya warqadaha u dirtay ee lacagta Bankiyada taal weydiisatay waxaa ka mida Mareykanka,Faransiiska,Ingiriiska,Swisserland ,Faransiiska iyo Talyaniga.
Ganacsato ay ka mid yihiin Cabduqadir Eenow ,Khadiijo Cosoble iyo Cabduqadir Cosoble ayaa lagu eedeeyay inay taageero dhaqaale siin jireen Al-Shabaab iyagoo lacagahii ugu jiray Bankiyada Caalamka kala baxay kuna shubtay koonto uu leeyahay gaacsade ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo lagu magacaabo Mohamed Abukar Islow {Ducaale}
Dimbiyada waaweyn ee Madaxweyne Garguurte iyo kooxda Damujadiid lagu heysto waxaa ugu weyn inay heshiis la galeen kooxda Al-Shabaab,iyagoo hub farabadan kala degay Dekadda Cadale ee Gobolka Shabeelladda hoose.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in daabulada hubkaas ay siwadajira uga shaqeeyeen Abukar Ganjab ,Ismail Wardheere oo Al-Shabaab ka tirsanaan jiray iyo Yusuf Kobakudukade.
Cirifka ugu dambeeya ee Warbixinta waxaa sidoo kale lagu xusay in Wasiirka Amniga Qaranka Somalia Abdikarim Guled uu degaanka Wargalo ee gobolka Mudug ku tababarayo Ciidamo beeleedyo uu doonayo inuu ku weeraro Maamulka Puntland.
Si kastaba ha ahaatee,waxay diblomaasiyiin xog ogaala sheegeen in markeey soo baxdo Warbixintaan kadib cunaqabateeyn Caalamiya la saari doono Siyaasiyiin iyo ganacsato caana oo Soomaaliyeed,iyadoo dhinaca kalena ay is xiri doonaan albaabada beesha Caalamka ee hada u furan Madaxda Dowladda Federalka Somalia.