Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Madaxweyne C/Weli Gaas Oo Munaasabad Miisaan Culus Loo Yeelay Kula Wareegay Madaxtimimada Puntland

Friday - January 24, 2014

Garoowe - Munaasibadda caleemo saarka madaxda cusub ee dowladda Puntland ayaa garowe saaka Jan 24,2014 lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magalada Garowe, waxayna soconeysa illa caawa xiliga somaliya

Xaflada Caleemasaarka waxaa ka soo qayb galay marti sharf gudo iyo dibad ka kala yimid oo ay ka mid yihiin QM,
EU, IGAD, Norwey,Turkiga,Talyaaniga,Itoobiya,Jabuuti,DFS,mamulka Jubba, Galmudug,xildhibaano hore,siyaasiyiin magac ku leh Somalia, haween, aqoon yahano, qurba joog madaxwaynihii hore Cabdiraxman Farole, Cadde Muse ayaa xaflada caleemo saarka ka qayn galay,waxayna dhamaan dadkaasi tilmaameen inay Puntland gaartay heer wanaagsan oo lagu faani karo.

Safiirka Midowga Yurub ee Somalia kan QM , masuuliyiin ka socday dalal badan oo saaxiib dhow la ah Somalia ayaa munaasibada ka hadlay waxayna dhamaantood soo dhaweeyeen madaxda cusub ee dowladda Puntland oo ay ku
tilmaameen inay yihiin dad karti u leh wax u qabashada dadkooda.

Wafdiyadii kale ee mamulada dalka ka socday iyo dalalka Jabuti iyo Itoobiya ayaa dhankooda boggaadiyey madaxda cusub.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.Cabdiwali Maxmaed Cali(Gaas) oo soo jeediyay khudbad uu ku akhriyay afka Ingiriiska ayaa ku cabiray waxyaabaha uu shanta sano xooga saari doono,waxaa ka mid ahaa arrimaha uu ka hadlay adkaynta ammaanka, hagaajinta kaabayaasha dhaqaalaha,midnimada iyo gaarsiinta addeegyadda shacabka Puntland oo idil, muujinta kalsoonida shacabka iyo arrimo kale oo aad u faro badan.