njhgtfb
Monday - January 27, 2014
Mareykanka oo sheegay in weerar cirka uu ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsana Al-Shabaab
Mareykanka
ayaa sheegay in weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee
Drone ay shalay gelinkii dambe ku dileen Sarkaal sare oo ka tirsan
Shabaab inta u dhaxeysa degmada Baraawe iyo Sablaale ee Gobolka
Shabeelaha Hoose.
Wasaarada
Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay in weerarka lagu bartilmaameedsaday uu
sarkaalka uu ahaa mid aad ugu dhowaa Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi
Godane.
Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi
jiray Sahal Isku Dhuuq oo Camuu lagu naaneysi jiray, waxaana la
xaqiijiyay inuu ahaa Madaxii Caafimaadka Al-Shabaab.
Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Drone
ayaa gantaal ku dhifatay kolonyo uu saarnaa sarkaalkan, waxaana la
sheegayaa in sidoo kale ay ku dhinteen qaar ka tirsan Ilaaladiisa iyo
darawalkii gaariga.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in
koloyada la weeraray ay ahaayeen dhowr baabuur oo ka yimid degmada
Diisoor, waxaana maalmihii u dambeeyay deegaanadaas dul heehaabayay
diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.
Al-Shabaab ayaa wali hadlin weerarka ay
fulisay diyaarada Drones loo yaqaano, iyadoo bishii October ee sanadkii
hore ay diyaarad Drone ah meel ku dhow degmada Jilib ay ku dishay
sarkaal lagu magacaabayay Anta Anta oo qaabilsanaa sameynta