Haddaan nahay shicibka reer Puntland Waa gar inaanu qiimeyno taawilida siyaasda markaa taagan siiba sida madaxweyne gaas golaha wasiiradiisa u soo disay, waayo dhaqankeena ayaa ku saleysan inaan aqalkeena Puntland balo ka ilaalino daldalolo u diidno.
Xaajo la yaab leh iyo waqti haleyn, C/weli waxuu cumaamaday wasiiro jaantaa rogan tiro illa 47xubnood ah, oo sida muuqata u ka kala keenay inta badan bulshada qabaail ee ku kala nool degaamada puntland, waana markii ugu horeysay oo la arkay intaaso wasiiro ah ilaahay ha u sahle oo u talineysa ummada reer Puntland .. dadka reer Puntland ee dacalada caalamka ku kala nool runti wey la yaabeen waxa loola jeedo tirada noocaas ah iyo gaar ahaan beelaha qaarkood oo min laba wasiir lagu hagoogay, halka beelaha Non Harti si arxan goysa dhinaca inta laga galay dhidarka loo ooday la siiyey hal wasiir oo aan anfac lahayn, taaso loo micneynkaro dadyowgii kale iyo wixii aan harti ahayn alifka loo taagay .. Raguna haddu abaal kala dafiro, kala digtoonaa, xishoodkuna waa qayb aad u ah muhim oo ka mida diinteena in badan bay ka hadashay xishoodka iyo sida qofka muslimka ah loogaga baahanyahay, iyadoo sida la ogyahay ayaa haddana dhinaca kale waxaa jira Qof isagoo ka faaiideysanaaya xishoodka dadka kale isku daya ama u soo tafaxeyta inu kula kaco ficilooyin aad u fool xun oo xishood la'aan ah.
Niman Reer Faarax Shirwac- Cumar Maxamuud oo inta badan ay naga dhaxeyso kaftan.com oo aan la kulmay, waxaan weydiiyey sababta u C/weli raashika sidaan ugu kariyey, oo intu yiri cuntaan idiin sameynayaa wixiiba mar qura isku wada shubay maca biyihi oo qabow iyo wixii uu lahaa waxbaan idin karinaaya kadibna ay isla ba'een, waxay igu yiraahdeen in yar maxamadow noo samra, anigana muran kama keenin, laakiin aniga shakhsi ahaan kuma qancin sheekada la ii miisay .. C/weli haddu ula jeedo inu reer walba qanciyo si saarka qabiil u soo dago, haddana waa in la ogaadaa tabaha siyaasadeed ee dheli-tir la'aanta miisaanka qabiil iyo wax badi wax-beelna wey leedahay
, oo hadda durbaba sumcadi iyo shucuubta maamulada dariska nala ah waxay liiski u direen Shey-baarka, waxaa u soo baxday in reer Puntland ay maanta fuushan-yihiin faraskii waalayey oo xidigaha dul sabeynaaya
laakiinse ham-hamta iyo hadal haynta suuqa waxay ku hadaaqayaan oo yiraahdeen kuwaan waa culeys mooye wax ay soo kordhinayaan ma jirto, isla markaa waxay isla kooxdaasi tilmaameen in sawiirka iyo sida wax loo magacaabay u yahay mid muujineysa waqtiga lagu jiro oo ah Zamankii caqli siibka iyo nabaad guurka siyaasadeed iyo xikmadi oo guud ahaan ka sal guurtay madaxda dalka somaliya, haddi aad u si dhabo gashana caqli siibku kuma eka somaliya oo qura balse waa mid maanta ku baahsan aduunyada oo dhan.
faankii iyo Qabkii ay ku naaloon- jireen reer puntland ay noqotay Ri' is nuugtay
Waxaa la yiri daanyeerow Qaraab ka waran ,wuxuu yiri Tunkeyga iyo tagoogayga ka eeg , haddi Qaraab naf leeyahay sidaan uma aan ekaadeene.
gaabsadeen oo yiraahdeen waxuu ula jeedo waqtigaa sheegin oo maba aytacliiqin laakiin
, koleyba waxaa xaqiiqo aadamigu wuxuu aawil dhaaxaa la arkaa amase u ku sii dhawaada
January 26, 2014 | Filed under: Maqaallo / Articles | Posted by: baxsane
Waxa la yidhi Mulac Caruuri Dishay, Iyana Waa La Ciyaayir, Mulacna Waa Ku qudh Gooyto waxa la yaab leh, wax baniaadamka u eeg, oo la moodaayo dad, hadana leh astaamihii xayawaanka, weliba kuwa ugu mutawi-xishaysan, ee ishii-qaata-yaasha ah, sidda waraabaha, dacawga, dhidarka, kuwaas oo ay ishoodu wax u sheegto, laakiin aan lahayn maskax ay wax ku gartaan, oo uu madaxu yahay qolof iska dul saaran, culays mooyee aan wax ay u soo kordhi-saaba jirin, Ishii-Qaatahu Afka Ingirii-siga waxa la yidhaahaa Opportunist Carabi-gana Intihaasi waa nooca, kugu daya in ay ku jiidhi karaan, ee haday ku arkaan in aad ka waabanayso, ama ka miil-dhaabayso, ama ka baqanayso, isku kaa s oo qaadda, marka ay arkaan, in aanay il-daabaano kaa helayna, toban geedi oo abaara kaa guura, oo kaa quusta, waxa caynkaa ka dhigan, kan nacaska ah ee Wegdda-Weyne ee loo maqaar saaray waxan ay Xamar Yidhaahaan, shaw waa mid ay dhareerintu ka sal tahay, oo sidii Xaaji-yaddii, dabadda laga dhir-baaxi jirey, marka wax loo sheegaayo, ee la leeyahay istaag ama soco, Jug Ku shaqayn jirtey, sidaas oo kale, baa kan aan hadal hayo wax loogu sheegaa, ilayn waa Rabbi-khalaq-wa dalaqe laguma dhaamo ee dhaqaaq.
Waxa la yidhi Doqon Daan lagu dhuftaa baa wax u sheega, ee hadal dux kama soo saaro bal kan ambanaaya ee aan is ogayn waxa ka soo baxaaya, ku lahaa dhoy laaan-tiisa, wadda hadalka dambe, Xamar ama Hargaysa baa lagu qabanayaa, hore baa loo yidhi isma oga ismiidh ( smith) iyo ninkii ayro foof-sadaye, isma oga agoon iyo ninkii aaba-hood dilyaye, waxa dadka lagu sheegayaa, ee la leeyahay wadda hadla, waa noocaa iska macaac leh, siddii lax casar nayshii tawday markii candhaddii darartay, baa weliba la leeyahay dad hogaami, saw loo sii dhamayn maayo, kuwa uu kaasi hor kacaayo walaaqa-nayaa siddii kurey geel jire daba-dhaw u ahi ( waa wiilka yar ee geela raacae), wallee kuwaas baan kob cagaar leh ka soo durdurin, intay dunidda joohaan, xaqiiqddii kuwii uu sheegaayey, Cabdilaahi Suldaan Tima-cade (AHN), ee uu lahaa Kolaba doogsan maysaan, intaad dunidda joog-taane, saw maaha. isaggii baa ku dhex seexdda taangi san-gudhuudhi leedahay, laga keenay Kaambaala ( yugaandha), mar kaasuu is moodayaa in uu dfal xukumo
Waxa la yidhi Is-moog udbihii bay aslaysaaye kamaba dhaadhac-sana sheekadu, ee shaw wuxu haystaa kismaayo oo ay isku haystaan daarood iyo hawiye, oo kii laga eryey Xamar, uu haatan joogo Garoowe ( la leeyahay wuxu yahay waa abdhisaabka Budhland, ee dhuusadiisa la ciyaaraaya ( waa Cabdiweli ku sheegae), waa kii loogu gabyaayey, Hiin-Raaca Waa Lagu Yaqiin Heedda Doqo-neede, Inta Habar Majeertan Ah Iyo Halamash Naagaaleh, baa isga oo majeertaan ah, ku leh isna waxan xoraynayaa wadan rag leeyahay, miyaanay ahayn, kuwii Cabdilaahi Yuusufkii umula-dooxa ahaa, inta uu yidhi jabahad baan u samaynayaa, dib isugu dhiibay Dalqa-weyne, ee laga buuxiyey hudheeladda Xamar, ee inta ay xabad sigaar ah isla hor taagaan, loo bixiyey afku-qiiqla-yaalay, ma isagaa wax samayn kara? kii u aabaha ahaa baanu soo aragnay ( waa Umula dooxe), markaasaa Maanta Wegdda-weyne hadlayaa, Saw maaha Kaam Shuunaa Maraakib, Macadalaa Hawaadhi waxa kale oo la yidhi Dameer iyo doc ka yeedh-ba daanka baa lagu dhuftaaye bal aynu eegno, marka uu la yimaado hargaysa baan shir ku qabanaynaa wegdda-weyne ,iyo laxdan Majerteen marka ay faraha la soo gasho Somaliland, hadal isaga baa iska badane, labada-ba waa la sugayaa, ee ninkii qayrki loo xiirayaw, soo qoyso adiguna.