Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Madxweynaha P/L Gaas Oo Beesha Sade Daarood Siiyey Wasiir Muhim Ah

Wednesday - January 29, 2014

Madaxweynaha  Maamulka  Puntland Dr Abdiweli Ali Gaas ayaa waxaa u shalay ku dhawaqay Golehiisa Wasiirada waxaana Golahaasi ka soo dhex muqday aqonyahan ka soo jeeda  beesha Sade kaas oo  golaha wasiirada ka soo galay  Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Beesha Sade ayaa waxaay ka mid tahay Beelaha Mudada dheer wax ka dagay Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayado anan wax  mansab heer wasiir ah ka soo qaban  Maamuladi hore ee Puntland.

Magacaabista Aqonyahan Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan lo magacabay Wasiiru dowlaha xiriirka gobolada iyo Madaxtoyada ayaa waxaa si weyn u soo dhaweyay guud ahaan beesha sade iyo gaar ahaan beesha Sade qaybteeda dagta Gobolka Mudug ee Maamulka, isla markaa waxaa talaabadaas soo dhaweyey dadwewynaha ku dhaqan puntland oo u arkaya iney tahay wax isu soo dhaweynaaya dadyooga isirka ku walaalaha ah.