Ciidamada AMISOM Oo Maanta Hakiyey Shirkii Maamul Sameynta Ee Ka Socday Baydhabo
Thursday - January 30, 2014
Baydhabo- Ciidamada AMISOM ayaa maanta barqadii joojiyay shirkii maamul u sameynta Koofur Galbeed Soomaaliya ee ka socday xarunta ADC ee magaalada Baydhabo, kadib markii saaka ay isku gedaameen xarunta, isla markaana xiray goobta oo dhan.
Baydhabo Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM oo amar ka heystay dowladda Soomaaliya ayaa ku wargeliyay ergooyinkii ku shirayay Xarunta ADC-da inay ka kala dareeraan, oo aysan jirin cid ku shiri karta goobta, taasoo keentay inay ka caroodaan ergooyinkii soo xaadiray xaruntaas, si ay ugu shiraan.
Wararka la helay ayaa sheegaya in amar ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ahaa in la hakiyo muddo 15-maalmood shirarka iska soo horjeeda ee ka socda Baydhabo, kaasoo lagu kala dhisayo Maamulada lix gobol iyo saddex gobol.
Qaar ka mid ah Ergooyinkii ku shirayay xarunta ADC ayaa ku eedeeyay Xafiiska Madaxweynaha inuu ka dambeeyo tallaabada lagu joojiyay, isla markaana uu Madaxweynuhu hor taagan yahay maamul u sameynta lixda gobol ee Koofur Galbeed.
War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM dhagxaan lagu tuuray, markii dibad bax looga soo horjeeday tallaabadii shirka lagu joojiyay, iyadoo dadweynaha careysan ay taayaro ku gubeen banaanka hore ee Xarunta ADC.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay ka baxee Xarunta, dabadeedna ergooyinkii ay dib ugu laabteen Xarunta ADC-da, si ay horay ugu sii wadaan shirkooda oo maanta ajandihiisa ahaa in la dhageysto khudbadaha musharaxiinta u taagan hogaanka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay dooneysay inay dhex dhexaadiso dhinacyada shirarka iska soo horjeeda uga socda baydhabo, iyadoo markii hore amarka ka soo baxay dowladdu ay aqbaleen dhinacyadii kale ee u fadhiyay shirka maamul u sameynta saddexda gobol, isla markaana ergooyinkii kale ee u fadhiyay maamul u sameynta lixda gobol ay ka biya diideen.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay in shirka ka socda Baydhabo, hase ahaatee waxaa uu ku taliyay in aanay wanaagsan in gobolo maamulo u dhisan maamul kale laga daba sameeyo, taasna ay qalad tahay.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Baydhabo ku xoogeysaayay khilaafka ka taagnaa Maamul u sameynta lixda gobol oo ay jireen dhinacyo ka biya diidsanaa oo doonaya in saddex gobol kaliya la dhiso, maadaama gobolada kale ay maamul u sameysan yihiin, sida ay qabaan dhinacyada u ololeyanaya qorshaha maamul goboleedka saddexda gobol ee Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.