Duufaano Mucaarad Oo Durbaba Ku Kacay Maamulka Gaas Kadib Marki U So Saaray Xukumad Dhinac Ka Raran
Friday - January 31, 2014
Garowe- waxa mudooyinkaan dambe wararka bulshada aad ugu soo badanaaya cabshooyinka beelaha Tanade- leelkase oo ku eedeynaaya C/weli hagrashada saami qaybsiga u ku dagay beesha, cabashooyinka oo bilaabmay kow maalinti C/Weli Gaas soo dhisay golihiisa wasiirada, waxay warkooda ku sheegeen inu C/Weli soo dhisay dawlad dhinac ka raran oo ugu horeynba beesha ka biyo-diideen
Sido kale Waxa mar qudha circa isku shareeray dhawaaqyada kala duwan oo ka soo yeeraya qaar ka mid ah qabiilo iyagana wax masuugay oo dega puntland,kuwaasi oo ku cabanaya in anay sidii ay xilalka uga heli jireen dawladdihii hore ee puntland uga helin,gaar ahaan dhinaca golaha wasiiradda.
Waxaana salaadiinta iyo waxgaradka qaarkood ee beesha sheegeen in ay codsi iyo bayaan ka kooban lix qodob u gudbiyeen madaxtooyada kana sugayaan jawaab. Bayaanka ayaa lagu sheegay in ay beeshaasi markii hore taageero u haysay hogaanka cusub ee Puntland balse hada ay ka sugayaan in uu ka soo jawaabo cabashadiisa xaga saamiga beesha Tanade laga siiyey golaha wasiirrada cusub ee Puntland, waxaana bayaankaas lagu xusay in saami-qaybsiga u yahay mid aan u qalmin beesha, maadaama ay beeshu tahay mid baaxad weyn ku leh dhammaan deegaanada Puntland.
Si kastaba ha ahaatee marka la eego xiligii doorashada ee laba todobaad ka hor sida ay beelaha qaarkood ee reer puntland u soo dhaweeyeen iyo sida ay hada durba uga qayliyeen ayaa ah laba kala fog.