Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Raiisal Wasaare C/Weli Shiikh Oo Gudi U Saaray Aaska R/ W hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Saturday - Feb 1, 2014

Muqdisho- Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah guddi u xil saartay aas qaran oo loo sameenaayo ra'iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska Raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in raysul wasaaraha oo ku hadlaya magaciisa, kan xukuumadda iyo kan shacbiga Soomaaliyeed-ba uu tacsi tiiraanyo leh u dirayo qoyska, ehelada, qaraabada, saaxiibbada iyo gabi ahaanba ummadda Soomaaliyeed ee uu ka tagay marxuum Cabdirsaaq Xaaji Xuseen Xasan.

Cabdiweli Sheekh ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed uu ka baxay waddani halgamaa ahaa, kaas oo ka mid ahaa halyeyadii dhaliyey xornimada jamhuuriyadda Soomaaliya.

Wuxuu Alle ka baryey inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo marxuumka, intii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli ayaa magacaabay guddi heer qaran ah oo qabanqaabinaya aas qaran oo loo sameeyo marxuumka, kaas oo uu hoggaaminayo raysul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Soomaaliya, mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

Marxuum Cabdirisaaq Xaaji wuxuu xukunka kala wareegay Cabdirishiid Cali Sharmaarke, oo Ra'iisalwasaare ahaa markii xornimada la qaatay 1960-kii. Cabdirisaaq Xaaji Wuxuu xukunka haayay laba sanno iyo bar ilaa1967dii.

Wuxuu isku dayay inuu la dagaalamo musumaasuqa iyo inuu wax ka badalo sida dowladda ay u shaqayso.

Intuusan Ra'iisalwasaare noqon wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha, iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta markii xornimada la qaatay 1960kii. Wuxuu kaloo ka ahaa xisbiga SYL ee dalka xukumay gudoomiye. xiligaas waddanka waxaa ka jiray xisbiyo.