Dadka Suunka Dhexda Isku Giijiya Oo Halis U Ah Xanuunka Kansarka
Sunday - Feb 2, 2014
Khubaro u dhalatay dalka Scotland, ayaa iftiimisay in suudhka surwaalka lagu xiro oo la isku adkeeya uu sababo kansarka ku dhaca cunaha, isla markanaa uu sahaydo nolosha rag badan oo caalamka ku nool.
Khubaradan oo daraasad caafimaad arrintaas ka soo saartay waxay digniin ka soo saareen suunka in la isku adkeeyo, sababtoo waxay tilmaameen in arrintan laga qaado kansarka la yiraahdo Oesophageal Cancer oo cunaha ku dhaca.
Cilmi-baaristan oo ay sameeyeen Jaamacadaha Glasgow iyo Strathyclde Universtiy iyo cusbitaalka Southern General Hospital ee dalka Scotland ayaa la rumaysan yahay in arrintan ay khatar ugu sii jiraan dadka buur buuran amma miisaanka jirkoodu halis yahay.
Daraasadan oo ay ka qaybqaateen 24 qof oo aan lahayn cudurkan amma aan taariikhba ku lahayn inay cudurkan qadaan, ayaa la ogaaday qaar badan oo ka mid ah markii ay suunka isku adkeeyeen inay ka qaadeen kansarka ku dhaca cunaha.
Dadkan baaritaanka lagu sameeyey qof kasta waxa laga codsaday inuu liqo qalab baraaya in cudurkan hayo iyo in kale, waxaana natiijadii ka soo baxday noqotay in dadka suunka isku giijiyey halis ugu jiraan xannuunka kansarka, gaar ahaan ka ku dhaca hab-dhiska dheef mareenka oo dadka u diida inay dhuuni dhuunta mariyaan.
Prof. Kenneth McColl oo ka tirsan jaamacadd Glasgow oo hoggaaminaayey cilmi- baaristan ayaa sheegay in suunka la isku adkeeya, gaar ahaan dadka miisaanka jirkoodu culus yahay isku adkeeyaan ay ka qadaan cudurro badan oo ay ka mid yihiin kelyo xannuun, kansarka cunaha iyo mindhiciraha oo nabar ku samaysmo. Waxa dhaawac suunka la isku adkeeya sababa in mindhicuruhu dhaawacmaan, calooshana boog lagu yeesho iyo waliba kansarka cunaha ku dhaca, waana in dadku .. arrinta ka taxadiraa,? ayuu yiri Prof. McColl.