Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 24 January 2025

Dawlada Ugaandha Oo Somaliya Ka Qaaday Ciidamado Hanti Ka Uruursaday, Kuna Soo Badashay Kuwa Cusub

Wednesday - Feb 5, 2014

Muqdisho-Dawladda Ugaanda ayaa ciidammo tiro ahaan gaadhaya 1,600 u diray Soomaaliya, iyagoo beddelay ciidan horraantii toddobaadkan ku laabtay Uganda, afhayeen u hadlay milateriga ayaa sidaa u sheegay warbaahinta.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka howlgayaan gobollada Banaadir, Shabeellada Dhexe, Shabeellaha Hoose sida laga soo xigtay afhayeenka milateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka cusub ay ka qayb-qaadan doonaan xoojinta nabadda iyo ammaanka deegaannadii kooxda Al-shabaab laga saaray sannadihii lasoo dhaafay.

Col. Ankunda ayaa sheegay in ciidamadan ay bedelayaan kuwo horay ay uga qaadeen Soomaaliya Isniintii lasoo dhaafay, isagoo sheegay in ciidamadaan cusub ay qabaan tababarro dheeraad ah.

Dowladda Uganda oo ah dalkii ugu horreeyay oo ciidamo u diray Soomaaliya sannadkii 2007 ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidammo gaadhaya 8,000 oo askari oo ka howlgala gobollo kala duwan.

Balse dadka u dhuun daloola arrimaha dhinaca difaaca ee somaliya ayaa sheegaya in ay Dawladda UGANDA isku bedelkan ka leedahay is-taraatiijiyad fog taasi oo ah in ay ciidamadeeda hadba in ku bedesho kuwa jooga somaliya,kuwaasi oo ka mushahar badan marka loo eego kuwa ka shaqeeya gudaha dalkooda